Pulisic Wuu Ku Saxnaa In Uu Ka Tago Chelsea Laakiin…..

weeraryahankii hore ee Mareykanka Taylor Twellman ayaa ku digtay chelsea isaga oo sheegay in ay ahayd in uu Pulisic horay uga tago kooxda chelsea.

Pulisic ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya Ac Milan tan ilaa markii uu ka tagay kooxda chelsea.

Twellman oo ah khabiir ciyaareed ayaa yidhi”Wan ku faraxsanahay xaqiiqada ah in uu Pulisic ka tagay chelsea”.

“Laakiin waxa aya ahayd in uu ka tago wakhti ka horeeya wakhtiga uu ka tagay”ayuu sii raaciyay.

“Haatan si xoriyad ah ayuu ugu ciyaarayaan Ac Milan waana arin fiican in la daawado qaab ciyaareedkiisa”.

Pulisic, oo qayb ka ahaa xagaagii weynaa ee 2023 ee Chelsea, ayaan wakhti isaga luminin inuu ciyaaryahan muhiim ah ka noqdo kooxdiisa cusub ee AC Milan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga