Xafladii la wada sugayey ee Abaalmarinta Ballon D’Or ee sanadka 2024 ayaa caawa ka dhici doonta magaalada Paris.
Abaalmarintan waxaa lasiiyaa ciyaaryahanka kubada cagta ee loo codeeyo inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican adduunka xilli ciyaareedka sii dhamaanaya.
Xafladda abaal-marintan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay dhowr abaal-marin oo kale sida Ballon d’Or-ka Haweenka iyo abaalmarinno kale oo dhowr ah.
Hadda, xiddiga Real Madrid Vinicius Jr. ayaa ugu cadcad inuu ku guuleysto abaalmarinta loogu doonista badan yahay kubadda cagta.
Halkee Ka Dhici Doonaa Ballon D’Or 2024?
Xaflada qaaliga ah ee Ballon d’Or ayaa ka dhici doonta Tiyaatarka du Chatalet ee caasimada France ee Paris.
Goorma ayaa Ballon d’Or 2024 la qaban doonaa?
Xafladda Ballon d’Or ee sida weyn loo wada sugayo ayaa dhici doonta maanta oo isniin ah kuna beegan 28 October.
Be the first to comment