WARBIXIN: 7 Xiddig Oo Wacdaro Ka Dhigay Markii Ay Amaah Ugu Biireen Koox Kale.

Heshiisyada amaahda ah ee ay sameeyaan kooxaha kubada waa mid ay uga faa’iidaysataan in ay xal wakhti dhaw ah ku samaystaan.

Xiddigaha amaahda ugu biira kooxaha ayaan inta badan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican sabab la xidhiidha in uuna xiddigu ogayn waxa dhici kara heshiiska amaahda maadama uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa.

Laakiin waxa jira xiddigo isku muujiyay amaahda ay ugu biireen kooxaha si ay u helaan fursad weyn u helaan oo ay kooxo kale ugu biiri kale ama ay isla kooxdaas ugu biiraan.

Halkan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 7 xiddig oo qaab ciyaareed waali ah soo bandhigay intii ay amaahda ku joogeen.

Carlos Tevez (Man United).

Xiddiga reer Argentine ayaa amaah 2 sano ah ugu soo biiray Man United waxana uu kooxda kula guulaystay premier Leagu 2 jeer Iyo hal kulan oo champions League intii u dhexaysay 2007 ilaa 2007.

Zlatan Ibrahimovic (Ac Milan).

Ibrahimovic ayaa kooxda Ac Milan ugu biiray amaah isaga oo ka tagay Barcelona intii dhexaysay 2010 ilaa 2011 waxana uu kooxda kula guulaystay horyaalka Talyaaniga Iyo Italian Super-cup sanadkii 2011.

Edgar Davids (Barcelona).

Halyeeyga reer Netherlands ayaa si amaah ah ugu biiray kooxda Barcelona bishii January ee sanadkii 2004 isaga oo ka yimid Juventus.

Barcelona ayaa wakhtigaas dhibaatoonaysay waxana ay ku jirtay kaalmaha dhexe ee horyaalka laakiin waxa uu kooxda ka caawiyay in ay ku dhamaysato kaalinta 2-aad kadib xilli ciyaareed cajiib ah.

Joselu:

Sawiro xiddig amah kuugu yimid oo kugu hogaamiya Final-ka koobka champions League waana sida uu sameeyay Joselu xilli ciyaareedkan isaga oo amaah kaga soo biiray Espanyol.

Thibout Courtios (Atletico Madrid)

Fernando Morientes (Monaco)

Martin Odegaard (Arsenal)

Mohamed Salah (Fiorentina)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga