WARBIXIN: 10-ka Xiddig Ee Ugu Fiican Khadka Dhexe Adduunka Oo La Soo Saaray.

Shaki kuma jiro in doorka khadka dhexe uu si weyn u horumaray sanadihii ugu dambeeyay, iyadoo leh astaamo badan oo kala duwan oo ay kooxuhu ku bartilmaameedsadaan marka ay ciyaartoy la soo wareegayaan.

Waagii ciyaartoyda khadka dhexe sidaan ognahay ayaa bilaabaya inuu dhamaado, iyadoo ay soo afjareen xiddigo ay ka mid yihiin Sergio Busquets iyo Luka Modric.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 10-ka xiddig ee khadka dhexe ugu fiican haatan hadii ay tahay khadka dhexe ee daafaca ama khadka dhexe ee caadiga ah.

1.Kevin De Bruyne (Manchester City):

Kevin De Bruyne  ayaa la odhan karaa haatan in uu yahay xiddiga ugu fiican adduunka booska khadka dhexe isaga oo ah xiddig dhamaystiran dhinac kasta waxana uu ku faanayaa rikoodh cajiib ah.

2.Rodri (Manchester City):

Xiddiga Rodri ayaa ah wadnaha kooxda Man City waxana uu ku leeyahay kooxda saamayn weyn iyada oo marka uu ka maqan yahay kooxda ay City si weyn u dhibaatooto.

3.Jude Bellingham (Real Madrid):

Mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu fiican adduunka, Jude Bellingham ayaa ku daray goolashiisa xilli ciyaareedkan waxana uu muujiyay in uu Real madrid ku soo bandhigay awoodiisa.

4.Bernardo Silva (Manchester City):

In Bernardo Silva uu ku jiro kaalinta afraad ee liiskan, waxay amaan u tahay saddexda ciyaartoy ee isaga ka horreeya laakiin xiddiga reer Portugal ayaa noqon kara kaalinta 1-aad.

5.Ilkay Gundogan (Barcelona):

Xiddiga Ilkay Gundogan ayaa laga yaabaa inuusan sii joogin Manchester City, laakiin waxa uu sii xajistay maqaamkiisa mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu fiican adduunka.

6.Martin Odegaard (Arsenal):

Waa wax laga xumaado in uu Odegaard kaliya 5 gool caawiyay xilli ciyaareedkan isla markaas xiddigaha Mohamed Salah, Trent Alexander-Arnold & Kieran Trippie ka caawin badan yihiin.

Inta badan weerarka Arsenal waxa u maraa kabtanka kooxda Odegaard kaas oo 15 gool ka dhaliyay horyaalka xilli ciyaareedkii hore isaga oo door muhiim ah ka ciyaari doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan iyo wixii ka dambeeya.

7.Federico Valverde (Real Madrid):

Joogsi la’aantu waxay u badan tahay inay tahay hal kelmad oo aad ku qeexi karto Federico Valverde, kaasoo shaqadiisa kubbada iyo xawaaraha khadka dhexe ka dhigtay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan Real.

8.Declan Rice (Arsenal):

Xiddiga Arsenal ee Rice ayaa fure u ahaa kooxda Mikel Arteta tan iyo markii uu rikoorka Ingiriiska 105 milyan ginni kaga soo dhaqaaqay West Ham xagaagii.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa awood u leh inuu sameeyo wax walba, isagoo baaskiisa ka bilaabaya.

9.Toni Kroos (Real Madrid):

Mid ka mid ah labada laf dhabar ee Real Madrid muddo sanado ah, Toni Kroos ayaa weli ku sii xoogeysanaya da’da 34, isagoo 7 caawin ka sameeyay magaciisa xilli ciyaareedkan.

10.Joshua Kimmich (Bayern Munich):

La yaab ma ahan in Pep Guardiola uu arkay in daafaca midig ee Joshua Kimmich uu ku habboon yahay khadka dhexe ee Bayern Munich.

Deganaanshaha Kimmich ee kubada waa mid ka mid ah awoodiisa ugu weyn waxana loo doortay liiska xiddigaha khadka dhexe ee ugu fiican adduunka.

1 Comment

  1. Waxaa doontaan maa noo soo qoraysiin hadii aan idinahay aqristayaal idinku xiran garanay Kevin Rodri dadkaan kale afaaro qabiil maakusoo xushay🤣🤣

Dhiibo Fikirkaaga