Arsenal Oo Loo Sheegay In Ay Isaga Fogaato Saxiixa Kylian Mbappe, Sabab.

Ally McCoist ayaa ku booriyay Arsenal inay iska ilaaliso heshiiska ay kula soo wareegayso xiddiga Paris-Saint Germain Kylian Mbappe suuqa xaggaagan.

Waxaa loo malaynayaa in Mbappe uu doonao in uu ku biiro Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan si uu u maro wadada Halyeeyga reer France ee Thierry Henry.

Arsenal ayaa raadineysay heshiis ay kula soo saxiixaneyso 25-sano jirkaan – oo loo arko mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican adduunka – kaasoo ka caawiyay France ku guuleysiga Koobka Adduunka 2018.

Mbappe ayaa qandaraaskiisu dhacayaa xagaagan, waxaana la filayay inuu ku biiro Real Madrid laakiin kooxda reer Spain ayaa awoodi wayday inay heshiis gaadho.

Khabiirka Scotland McCoist ayaa la waydiiyay hadii Arsenal ay bangiga u jabiso si Mbappe loo keeno Emirates waxa uu ku jawaabay”Maya, ma jirto wax fursad ah”.

“Kaliya baanka uma jabinaysid sidoo kale waxa aad u jabinaysaa qolka Labiska hadii aad taas samayso waad ogtahay waxa dhacaya”.

Mar la weydiiyay hadii saxiixa Mbappe uu Arsenal ka dhigi doono kuwa ugu cadcad horyaalka Premier League, halyeyga Rangers McCoist ayaa ku daray: ‘Maya, kama dhigi doono kuwa ugu cadcad horyaalka wali waxa ka horaysa Man City”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga