Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Xagaaga

Detailed view of the Sport section of a pile of National newspapers including The Times, The Sun and the Daily Mirror

Waxa Lagu jiraa kulamadii ugu Dambeeyay Ee Xilli Ciyaareedka iyada oo kooxuhu bilaabeen qorshohooda suuqa kala iibsiga.

Halka Kaga bogo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Xagaaga

**Tababaraha cusub ee la filayo inuu ku soo laabto Real Madrid, Jose Mourinho, ayaa doonaya inuu la soo saxiixdo weeraryahanka England Marcus Rashford, 28 jir, kaas oo amaah ugu jooga horyaalka La Liga kooxda Barcelona kana yimid Manchester United.

**Everton iyo Aston Villa ayaa xiiseynaya weeraryahanka Denmark ee Newcastle United, William Osula oo 22 jir ah.

**Daafaca dhexe ee England Levi Colwill, 23 jir, wali kama uusan gelin wadahadallo heshiis cusub oo la hagaajiyay kooxda Chelsea, inkastoo wadahadallada dib loo bilaabi karo xagaaga.

**Manchester United iyo Chelsea ayaa labaduba doonaya saxiixa weeraryahanka Jarmalka Karim Adeyemi xagaagan, iyadoo Borussia Dortmund ay diyaar u tahay inay iibiso 24 jirkan haddii qiimaha saxda ah la helo.

**Daafaca Netherlands Lutsharel Geertruida, 25 jir, oo amaah ugu jooga Sunderland kana yimid RB Leipzig, ayaa doonaya inuu sii joogo Premier League xilli ciyaareedka dambe iyadoo Everton ay xiiseynayso.

**Real Madrid iyo daafaca Jarmalka Antonio Rudiger, 33 jir, ayaa saxiixi doona heshiis hal sano ah oo cusub si uu ugu sii nagaado Santiago Bernabeu, balse kooxda ayaa wali xiisaynaysa qorshe lagu soo saxiixayo daafaca Croatia ee Manchester City, Josko Gvardiol oo 24 jir ah.

**Goolhayaha England Tom Heaton, 40 jir, ayaa la filayaa inuu heshiis hal sano ah ku kordhiyo si uu ugu sii nagaado Manchester United xilli ciyaareedkiisii lixaad.

**Liverpool ayaa qorsheynaysa inay la soo saxiixato daafaca Netherlands iyo Inter Milan, Denzel Dumfries oo 30 jir ah, si ay u xoojiso booska daafaca midig.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga