Real Madrid ayaa si rasmi ah u beddeshay bartilmaameedkeeda suuqa kala iibsiga kadib markii Bayern Munich ay si cad u sheegtay in Michael Olise uusan iib ahayn.
Agaasimaha ciyaaraha ee Bayern Munich, Christoph Freund, ayaa meesha ka saaray dhammaan wararka la xiriirinayay Olise iyo Real Madrid, isagoo yiri:
“Olise iyo Real Madrid? Arrintaas haba yaraatee nooma taallo. Wuxuu door muhiim ah ka ciyaari doonaa Bayern Munich xilli ciyaareedkan.”
Go’aankaas kadib, Real Madrid ayaa si buuxda diiradda u saartay saxiixa Yan Diomandé ee RB Leipzig.
Wararka ugu dambeeyay waxay sheegayaan in Real Madrid ay heshiis afka ah ka gaartay shuruudaha shaqsiga ah ee Yan Diomandé.
Dalabkii ugu horreeyay ee ahaa €90 milyan iyo €10 milyan oo gunnooyin ah ayaa waxaa diiday RB Leipzig, Los Blancos ayaa hadda diyaarinaya dalab cusub si ay u dhammeystiraan heshiiska.
PSG ayaa wali ku jirta tartanka, iyadoo isku dayaysa inay afduubato saxiixa ciyaaryahanka ka hor inta uusan u wareegin Santiago Bernabéu.
Bayern Munich ayaa albaabka ka xiratay Michael Olise, taasoo keentay in Real Madrid ay xooggeeda oo dhan isugu geyso saxiixa Yan Diomandé. Tartanka u dhexeeya Real Madrid iyo PSG ayaa haatan galay marxalad aad u kulul, iyadoo maalmaha soo socda la filayo horumar weyn oo ku saabsan heshiiska xiddiga reer Ivory Coast.
Be the first to comment