Wakhtiga Ay Liverpool Ku Dhawaaqayso Saxiixa Tababare Arne Slot Oo La Ogaaday.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhawaaqi doonto saxiixa Tababare Arne Slot ka hor bilowga todobaadka dambe.

Reds ayaa raadinaysay tababare cusub tan iyo markii uu Klopp ku dhawaaqay bishii January in uu ka tagi doono doorkiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tababaraha kooxda Feyenoord Arne Slot ayaa loo doortay in uu noqdo badalka Jurgen Klopp.

Liverpool ayaa 48 saac ee la soo dhaafay dar-dar galisay dadaalada ay ku doonaysa saxiixa Tababare Anre Slot.

Sida laga soo xigtay Daily Mail Liverpool ayaa laga yaabaa in ay saxiixa Slot ku dhawaado ka hor kulanka premier League ee toodbaadka dambe.

Slot ayaa mar hore ogolaaday in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Liverpool xilli ciyaareedka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga