“Waanu Garaaci Doonaa Real Madrid”Thomas Partey Oo Fariin U Diray Real Madrid Ka Hor Kulanka Lugta 2-aad

Xiddiga reer Ghana Thomas Partey, ciyaaryahanka Arsenal, ayaa sheegay in kooxdiisu ay guul ka gaari doonto Real Madrid lugta labaad ee 8 dhamaadka Champions League.

Labada kooxood ayaa ku kulmi doona fiidnimada Arbacada garoonka Santiago Bernabéu. Lugtii hore ee garoonka Emirates Stadium ayaa kusoo idlaatay 3-0 oo ay guushu ku raacday Gunners.

“Kulanka Real Madrid wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah kulamada ugu weyn,” ayuu Partey u sheegay Mirror.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Waa in aan isku kalsoonaanaa, waa in aan aadno halkaas oo aan ciyaarno qaabkeena, waana in aan isku daynaa in aan guul gaarno, kulanku ma noqon doono mid fudud”.

Xiddiga Arsenal ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Waan ognahay tayada ay Real Madrid ku leedahay difaaca iyo weerarka”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Ku ciyaarista Santiago Bernabéu?Garoon kasta waa mid cabsi leh marka aanad ku jirin qaab ciyaareedkaaga ugu fiican laakiin waxa aan ognahay waxa ay tahay in aan samayno”

Waxa uu sharaxaad ka bixiyay hadaladiisa isagoo yiri: “Kooxda naga soo horjeeda waxay heystaan ​​qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka, laakiin mar kasta oo aan ciyaareyno qaabkeena, waxaan nahay kooxda ugu fiican adduunka.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga