Kooxda Man City ayaa ka badisay Burnley kulan ka tirsanaa premier League iyaga oo haatan la wareegay hogaanka premier League.
Man City ayaa 1/0 kaga badisay kooxda Burnley iyada oo yeelatay 70 dhibcood 33 kulan oo ay ciyaareen ilaa haatan xilli ciyaareedkan.
Hadaba waa maxay sababta ay Man City ula wareegtay hogaanka premier League inaksta oo ay isku dhibco yihiin Arsenal?
Kooxda Man City ayaa gashay kaalinta 1-aad iyada oo dib u celisay kooxda ay xafiiltamaan ee Arsenal.
Kooxda Man City iyo Arsenal ayaa leh 70 dhibcood kadib markii ay Man City ka badisay kooxda Burnley.
Sidoo kale Arsenal ayaa leh min 37 farqiga goolasha kadib 33 kulan oo ay ciyaareen horyaalka premier League.
Laakiin Sababta ay Man City uga horayso Arsenal ayaa ah goolasha ay dhaliyeen labada kooxood iyada oo Man City 2 ka sarayso Arsenal goolasha la dhaliyay ilaa haatan.
Kooxda Man City ayaa dhalisay 66 gool premier League ilaa haatan xilli ciyaareedka halka ay Arsenal dhalisay 63 gool.
Be the first to comment