Virgil van Dijk Oo Ka Hadlay Fursadaha Kooxdiisa Ee Ku Guulaysiga Premier League.

Virgil van Dijk ayaa ku adkeysanaya in Liverpool aysan ku fikireynin in horyaalka Premier League uu ku dhow yahay inuu ku guuleysto haddii ay 11 dhibcood ka horeeyaan Man City.

Guardiola iyo Ilkay Gundogan Ayaa sheegay in ay Man City ka hadhayso tartanka premier League hadii ay guuldaro kala kulmaan kooxda Liverpool Axada.

Kooxda Liverpool ayaa hogaanka haysa, iyadoo sidoo kale sagaal dhibcood ka sareysa Arsenal iyo chelsea.

Laakiin kabtanka Reds Van Dijk ayaa sheegay in ayna kooxdiisu u dabaal-dagi doonin haroyaalka hadii ay ka badiyaan Man City todobaadka dambe.

“Waxaan ku jirnaa December axada, waxaana harsan shan bilood” ayuu yiri Van Dijk ka dib guushii 2-0 ay ka gaareen Real Madrid.

“Sida iska cad waxaan dooneynaa inaan badino kulanka laakiin waan ognahay waxa ay awoodaan, marka ugu horeysana waa inaan u diyaar garownaa loolankaas, wax walba oo dhaca intaas ka dib waa inaan sii wadnaa waxa aan samaynayno”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga