Erling Haaland Oo Shaki Galiyay Mustaqbalkiisa Man City, Heegana Galiyay Real Madrid

Erling Haaland ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa wuxuuna qirtay inaysan jirin wax dammaanad ah oo uu ku sii doono Manchester City waqti dheer.

Haaland, oo kor u qaaday maqaamkiisa inuu yahay weeraryahanka ugu fiican adduunka isagoo dhaliyay 80 gool 84 kulan oo uu u saftay City, ayaa waxaa aad u dooneysa kooxda reer Spain ee Real Madrid.

Inkasta oo Haaland uu ku adkaystay inuu ku faraxsan yahay City, halkaas oo uu saddex sano oo dheeraad ah uga hadhsan yahay qandaraaskiisa haatan, 23-jirkan ayaa qirtay inuusan garanayn waxa dhici doona mustaqbalka.

“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay, gaar ahaan dadka igu hareerayan”ayuu yidhi Haaland.

“Tababaraha, agaasimayaasha, guddiga, waa dad cajiib ah, runtiina aad ayaan ugu faraxsanahay halkan”.

“Hadan hadal idhaahdo haatan waxa aan abuuri doonaa ciwaano waaweyn, laakiin berri ma ogaan kartid waxa mustaqbalka soo kordhin doono. Laakiin waan faraxsanahay. Waad qori kartaa tan, laakiin sidoo kale waa inaad qortaa wax kasta oo aan horay u sheegay. Aad ayaan u faraxsanahay.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga