Thomas Tuchel Oo Ka Jawaabay Wararka La Xidhiidhinaya Man United.

Tababaraha kooxda Bayern Munich Thomas Tuchel ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu wadahadalo la yeeshay Manchester United.

Kooxda Bayern ayaa bishii February shaacisay in uu tababaruhu isaga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tuchel ayaa xilli ciyaareed adag ku qaatay Bayern iyada oo kooxdu ku dhamaysan doonto koob la’aan xilli ciyaareedkan.

Tababarihii hore ee Chelsea ayaa durba lala xidhiidhinayaa kooxo kale.

Man United ayaa ka mid ah kooxaha lala xidhiidhinayo tababaraha reer Germany.

Si kasta ha ahaatee Tuchel ayaa beeniyay in u wax wadahadalo ah la galay kooxda Man United.

“Ma jiraan wax wadahadal ah oo ilaa hadda lala yeeshay kooxaha kale,” Tuchel ayaa u sheegay suxufiyiinta shirkii jaraa’id ee Sabtidii.

“Xaaladdaasi way cadayd tan iyo bishii February.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga