Thomas Partey Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Arseal Ka Hor Bilaabashada Xilli Ciyaareedka Cusub.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Arsenal Thomas Partey ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay inuu dhabarka u rito dhibaatada dhaawaciisa, isagoo fariin u diray taageerayaasha.

Tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda 2020, Partey ayaa ku dhibaatooday dhaawacyo isaga oo dhaawac kaga maqaa kooxdiista intii badnayd xilli ciyaareedkii hore.

Isagoo la hadlayay suxufiyiinta Partey ayaa yidhi”Waa nolosha, waxyaabuhu way dhacaan mararka qaarna waxa jira wax aanad awoodi karin”.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku nuuxnuuxsaday inuu adkaysad u leeyahay”Waa in aan sii socdaa oo dagaalka sii wadaa, waa in aan istaago oo aan dagaalamo”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga