Tababaraha Real Sociedad Oo Shaaciyay Fariintii Ugu Dambaysay Ee Uu U Sheegay Mikel Merino Ka Hor Inta Uuna Ku Biirin Arsenal.

Tababaraha Real Sociedad ayaa shaaca ka qaaday faahfaahinta wadahadalkiisii ​​​​ugu dambeeyay ee Mikel Merino ka hor inta uusan ciyaaryahanka khadka dhexe ku biirin Arsenal.

Gunners ayaa ogolaatay lacag dhan 32.6 milyan si ay ula soo wareegto xiddiga ka ciyaara La Liga inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Merino ayaa la fahamsan yahay inuu maanta u safrayo caasimadda England si uu u soo gabagabeeyo tijaabada caafimaadka isla markaana uu u saxiixo heshiis afar sanno ah.

Tababaraha Sociedad Imanol Alguacil ayaa sheegay in aanay wax xumaan ah kala dhexayn Merino isl markaas uu wanaag u rajeeyay.

“Waxaan ku idhi waad mahadsantahay. Waan faraxsanahay sababtoo ah tababaraha Real ahaan waxaan rabaa sagootin sidan oo kale ah”Ayuu yiri Alguacil

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga