Cristiano Ronaldo Oo Ka Fal Celiyay Hees Ay Taageerayaasha Al-Hilal U Qaadeen Lionel Messi.

Cristiano Ronaldo ayaa 39 jirsaday, laakiin wali wuu ka xanaaqaa marka uu maqlo Messi! ku heeso tarabuunka.

“Anigu waxaan ahay Cristiano, Ma ihi Messi”ayuu yidhi Xiddiga reer Portugal isaga oo u jawaabaya taageerayaasha AL-Hilal oo ku heesaya maqagaca Messi.

Xiddigaha Messi iyo Ronaldo ayaa lagu qiimeeyaa xiddigaha ugu fiican kubada cagta wakhti xaadirkan marka la eego waxqabadkooda.

Labada xiddig ayaa dhexdooda ku guulaystay abaalmarino ka badan xiddigaha kale ee kubada cagta sanadihii la soo dhaafay.

Inkasta oo ay labadooduba ka bexeen tartamada yurub hadana waxa ka jira ficiltan ka dhexeeya labada xiddig.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga