TAARIKH: Wayne Rooney Dheemankii Dhaqsi Dhaayaha Dhalinyarada Soo Jiitey, Xaqiiqo Iyo Xusuus

“Kubadda cagtu waa giraan ay ciyaaraan bini’aadamka oo dhan, mararka qaar waxaa jira ciyaaryahan aan xuquuqdiisa ka helin warbaahinta iyo xittaa taageerayaasha.
Waxaa laga yaabaa in taageerayaal badan oo kubada cagta ah aysan wax badan ka hadlin, inkastoo uu ku guuleystay shan horyaal, Champions League, Koobka Kooxaha Adduunka, afar koob oo FA ah, waa gooldhaliyaha ugu fiican taariikhda Manchester United, Waa gooldhaliyaha ugu fiican taariikhda xulka qaranka England, waana gooldhaliyaha labaad ee ugu sareeya taariikhda Premier League, waana caawiyaha seddexaad ee ugu fiican horyaalka Ingiriiska.
Si kastaba ha ahaatee, loogama hadlin sida loo buubuuniyay Beckham, Alan Shearer, Michael Owen, Gerrard ama xittaa Harry Kane. Waxaa laga yaabaa inaan had iyo jeer u janjeerno inaan iska indhatirno xoogga iyo awoodda ciyaaryahankan.
Sir Alex Ferguson ayaa yiri:
“Sanado badan wuxuu ahaa Ruuxda Manchester United, ciyaaryahanka la qabsaday dhammaan doorarkii aan ciyaarsiiyay, wuxuu u ciyaaray sidii weeraryahan dhexe, garabka weerarka, khadka dhexe ee weerarka, iyo xitaa khadka dhexe, mar walbana farqiga ayuu sameyn jiray iyo saameyn”.
Waxa uu la mid ahaa muusikiiste ciyaara ama garaaca dhammaan qalabka muusiga, si la mid ah noloshiisii ​​bannaanka garoonka, waxa uu ahaa nin muusig jecel oo waxa uu aad u jeclaa in uu dhegeysto (Oasis), oo ah koox ka dhisan Manchester, oo aad caan uga ah dalka Ingiriiska.
Dhowr sano ka hor, xaaskiisa Coleen waxay rabtay inay siiso lammaanaheeda ay jeceshahay hadiyad nuuca Asalka ah ciidda dhalashadiisa, iyo maadaama uu yahay wiil muusig jecel, waxay go’aansatay inay usoo iibiso gitaar.
Maadaama ninkeeda uu taageere weyn u yahay kooxda Oasis, Walaalaha Gallagher, Coleen waxay la xiriirtay Noel Gallagher, waa hogaamiyaha kooxda iyo luuq-yaqaanka, marka hore si ay uga hesho gitaarkiisa Iyo marka labaad inuu u saxiixo gitaarka.
Laakiin waxaa laga yaabaa in Ms Rooney ay ku nooleyd Mars oo aysan ogeyn in walaalaha Gallagher ee kooxda Oasis ay taageere weyn u yihiin kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City.
Maalintii dhalashadiisa, iyada iyo ninkeeda waxay heleen hadiyad, taas oo ahayd gitaar nuuca asalka ah oo rinji buluug ah marsan yahay sida midabka kooxda, Waxa ku dul yaal calaamadda kooxda Man City, waxaana ku dul qoran fariin ku bilaabanaysa:
“Blue Moon…taasoo ah heesta rasmiga ah ee Man City 😅
Wayne Rooney ayaa yiri:
Kaftankii iigu yaabka badnaa nolosheyda ayuu ahaa 😁😂
October 24, 1985 ayuu “Wayne Rooney” ku dhashay Croxteth, Liverpool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga