Riyadii waa Rumowday:- Ronaldo & Messi oo ugu dambeyn siwada jir ah ………..

Carlos Tevez ayaa MESSI IYO RONALDO ku Casuumay Ciyaarta Soogintiisa kubada cagta isagoo qorsheeyey inay Labada Odey Hal koox ay u wada ciyaaraan, Carlos Tevez ayaa qaban doona ciyaartiisa sagootinta bisha December, waxaana lagu casuumay labadaba Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, si ay hal koox uga wada ciyaaraan kulankiisa weyn ee sagootinta, sida ay sheegtay TyC Sports.
Carlos Tevez iyo Cristiano Ronaldo ayaa iska garab soo ciyaaray 80 Kulan waagii ay isku kooxda ahaayeen Ee Manchester United, halka uu Lionel Messi kula soo ciyaaray xulka Argentina 47 kulan, Sida la sheegay Ciyaarta sagootinta ayaa lagu qaban doonaa La Bombonera, oo ah garoonka Boca Juniors, halkaas oo Tevez uu ka bilaabay kuna soo gabagabeeyay waayihiisa ciyaareed.
Ciyaarta xilli la ciyaari lahaa Waqtigiisa Waxaa loo qorsheeyay inuu dhaco bisha December, Halka Tevez qorshahiisu ahaa inuu hal koox ku mideeyo Labada odey Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi kuwaas oo 19kii sano lasoo dhaafay kubada cagta soo Maamulayeen
Haddii ay dhacdo Middaan in Labadaas Ee Miisaanka Culus ah kubadana kusoo xifaaltami jireen waayahooda in Hal koox fanaanadooda gishtaan misna Hal garoon isla galaan iyagoo Hal koox u ciyaaraya, waxay noqon doontaa markii ugu horreysay taariikhda ee Messi iyo Ronaldo ay hal koox ku wada ciyaaraan
Sidoo kale Carlos Tevez ayaa kulanka ku casuumay rag kale oo waa weyn, Sida la sheegay Waxaa la filayaa in kulanka ay ka qayb galaan ku dhowaad 60 halyeey oo kubadda cagta ah iyo ciyaartoy hore oo ay Tevez isku koox ahaayeen, sida Wayne Rooney, Gianluigi Buffon iyo Andrea Pirlo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga