Xiddiga reer Kuuriyada Koonfureed Son Heung-min ayaa ka hadlay doodda caanka ah ee ku saabsan labada halyeey ee kubadda cagta Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, isagoo si cad u sheegay ciyaaryahanka uu isagu dooranayo, Son, oo haatan u ciyaara Los Angeles FC, ayaa sheegay in haddii lagu qasbo inuu midkood doorto, uu dooran lahaa Cristiano Ronaldo, sababtoo ah xiddiga reer Portugal ayaa muddo dheer ahaa qofka uu ku daydo.
Son ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in Messi iyo Ronaldo aan si fudud la isu barbar dhigi karin, maadaama labadooduba ay saameyn weyn ku yeesheen kubadda cagta, Laakiin markii la weydiiyay qofka uu dooranayo, Son wuxuu yiri in Ronaldo uu weli yahay halyeygiisa, isagoo la yaabay sida uu ciyaaryahanka reer Portugal ugu sii ciyaarayo heer sare isagoo da’ ahaan 41 jir ku dhow.
Son wuxuu sidoo kale amaanay Ronaldo dadaalkiisa, jacaylka uu u qabo kubadda cagta iyo sida uu weli ugu muuqdo ciyaaryahan aad u da’yar marka loo eego da’diisa, Inkasta oo uu Ronaldo doortay, Son kama uusan gaabsan inuu amaano Lionel Messi, Xiddiga reer Korea ayaa sheegay in Messi laga yaabo inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda, isagoo qiray inaysan jirin wax badan oo laga doodi karo marka laga hadlayo heerka uu Messi gaaray.
Si kastaba ha ahaatee, Son wuxuu sheegay in isaga ahaan uu mar walba jeclaa inuu u ciyaaro ama ugu daydo Cristiano Ronaldo, taasina ay tahay sababta uu Ronaldo u doortay, Arrinta xiisaha leh ayaa ah in Son iyo Messi ay haatan ka ciyaaraan Major League Soccer, waxaana xiddiga reer Korea uu xilli ciyaareedkan wacdaro ka dhigay Los Angeles FC.
Son ayaa ilaa hadda kooxda u dhaliyay 6 gool, isagoo sidoo kale sameeyay 17 caawin, taasoo muujinaysa saameynta weyn ee uu ku leeyahay kooxdiisa.
Be the first to comment