Kooxda Manchester City ayaa sii xoojisay hoggaanka horyaalka Premier League xilli ciyaareedka 2026/2027, kaddib markii ay 1-0 kaga adkaatay Coventry City F.C, Ciyaartan oo ka tirsaneyd wareegga 3-aad ee Premier League, ayaa lagu ciyaaray garoonka Etihad Stadium, iyadoo Manchester City ay soo bandhigtay ciyaar adag oo ay ugu dambeyn ku gaartay saddexda dhibcood.
⚽ Goolka guusha waxaa Manchester City u dhaliyay xiddigeeda reer Norway Erling Haaland, kaasoo shabaqa Coventry City gaaray daqiiqaddii 25-aad.
Haaland ayaa madax ku dhaliyay kubbad uu dhinaca ka soo qaaday Antoine Semenyo, waxaana madaxii xoogga badnaa uu noqday goolka kaliya ee ciyaarta, Guushan ayaa Manchester City siisay 9 dhibcood, iyadoo kooxda ay hadda guuleysatay dhammaan saddexdii kulan ee ugu horreeyay ee horyaalka.
Manchester City ayaa saddexdaas guul ku gaartay kulamadii ay la ciyaartay:
- Bournemouth
- Crystal Palace
- Coventry City
Sidaas darteed, kooxda ayaa sii xajisanaysa hoggaanka Premier League, iyadoo bilowgeeda xilli ciyaareedku uu noqday mid aad u wanaagsan, Ciyaarta waxaa sidoo kale si gaar ah loogu arkay Enzo Fernandez, oo ah mid ka mid ah saxiixyada cusub ee Manchester City.
Enzo ayaa ku soo bilowday shaxda kooxda kadib markii O’Reilly uu dhaawacmay xilli ciyaartoydu kululaanayeen ka hor ciyaarta, Sidoo kale, saxiixa cusub ee reer Morocco Ayoub Bouaddi ayaa fursad helay, Bouaddi ayaa garoonka soo galay daqiiqaddii 76-aad, isagoo beddelay Enzo Fernandez.
Ugu dambeyn, Manchester City ayaa 1-0 ku garaacday Coventry City, iyadoo Erling Haaland mar kale noqday ninka muhiimka ah ee kooxdiisa, halka City ay sii wadatay bilowgeeda guulaha badan ee Premier League.
Be the first to comment