BAL ARAG Sida Cajiibka ee Taageerayaasha Liverpool uga falceliyeen Wacdaradii ISAK & Goolashii uu dhaliyey

Alexander Isak ayaa si cajiib ah ku bilowday kulanka Liverpool F.C. iyo Ipswich Town, isagoo laba gool dhaliyay 9 daqiiqo gudahood.

Isak, oo xilli ciyaareedkii hore Premier League u dhaliyay Liverpool saddex gool oo keliya, ayaa xilli ciyaareedkan si weyn uga soo muuqday kadib markii uu helay preseason buuxa,  Goolkiisii hore ee xilli ciyaareedka wuxuu sidoo kale ka dhaliyay Nottingham Forest, taas oo ka dhigan inuu durba la simay tiradii goolasha Premier League ee uu dhaliyay xilli ciyaareedkii hore.

Kulanka Ipswich, Isak wuxuu mar kale shabaqa taabtay daqiiqaddii 33-aad, laakiin goolkaas waxaa diiday calanka offside-ka, sidaas darteed wuxuu waayay hat-trick, Waxa kale oo xiiso leh in dhammaan goolasha Isak ee xilli ciyaareedkan uu caawiyay Cody Gakpo, kaas oo xagaagii lala xiriirinayay inuu ka tago Anfield.

Taageerayaasha Liverpool ayaa baraha bulshada si weyn uga falceliyay, iyagoo aaminsan in Isak uu ugu dambeyn bilaabay inuu muujiyo qaab ciyaareedkii laga filayay markii Liverpool ku bixisay £125 milyan.

Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa baraha bulshada ku qoray:- “ISAK WAA UU QARXINAYAA Horyaalka, Laba gool 9 daqiiqo gudahood, waa bahal aan la joojin karin.”

Taageere labaad ayaa yiri:- “Haddii uu dhaawac la’aan sii ahaado, waxaan hubaa inuu dhalin doono 25 gool oo Premier League ah.”

Taageere saddexaad ayaa ku daray: “Newcastle ayaan ka dhacnay.”

Mid kale ayaa yiri: “gool aad u qurux badan ayuu isak dhaliyay, run ahaantii waxay ila muuqataa inuu ugu dambeyn soo laabtay.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga