Halyeeygii hore ee Premier League, Gabriel Agbonlahor oo weerar ku qaaday laacib ka tirsan Liverpool

Halyeeygii hore ee Premier League, Gabriel Agbonlahor, ayaa Liverpool kula taliyay inay isbeddel ku sameyso booska daafaca midig, isagoo aaminsan in Jeremie Frimpong uusan lahayn tayada looga baahan yahay inuu si joogto ah uga ciyaaro booskaas.

Agbonlahor ayaa soo jeediyay in Liverpool ay Dominik Szoboszlai u isticmaasho daafaca midig halkii Frimpong, gaar ahaan xilli ciyaareedkan oo kooxda ay muujisay nuglaansho dhanka difaaca ah, Isagoo ka hadlayay TalkSPORT, Agbonlahor wuxuu sheegay in Frimpong uu yahay ciyaaryahan weerarka si fiican uga qayb qaata, balse uusan ahayn daafac midig oo buuxa.

Wuxuu si toos ah u yiri in Frimpong “uusan lahayn tayada” looga baahan yahay Liverpool, isagoo ku adkeystay in ciyaaryahanka reer Netherlands uu ka badan yahay wing-back marka loo eego full-back.

Agbonlahor wuxuu sidoo kale xusay in Liverpool ay dhibaato ka haysato difaaca, sidaas darteedna ay u baahan tahay inay hesho isku-dheelitirnaan wanaagsan.

Agbonlahor ayaa tilmaamay Dominik Szoboszlai inuu noqon karo xalka booska daafaca midig, Xiddiga reer Hungary ayaa horey uga soo ciyaaray booskan, waxaana la sheegay inuu si wanaagsan uga soo muuqday markii loo adeegsaday halkaas.

Si kastaba, Szoboszlai booskiisa dabiiciga ah waa khadka dhexe, waana ciyaaryahan jecel inuu ciyaarta saameyn ku yeesho, fursado abuuro, isla markaana kooxdiisa weerarka ka caawiyo, sidaas darteed, weli lama oga haddii Liverpool ay diyaar u tahay inay mar kale u isticmaasho daafaca midig.

Arrintan ayaa soo baxday xilli Conor Bradley uu dhaawac ku maqan yahay, taasoo Liverpool ka dhigtay inay xal kale ka raadiso booska daafaca midig, Agbonlahor wuxuu sidoo kale xusay in Liverpool ay haysato ciyaartoy khadka dhexe ah oo kursiga keydka ku jiri kara, sida Ryan Gravenberch, kaasoo uu aaminsan yahay inuu wax badan ka tari karo marka lagu daro Alexis Mac Allister iyo Florian Wirtz.

Frimpong ayaa lagu yaqaan awooddiisa weerarka iyo inuu si joogto ah uga qayb qaato weerarrada kooxda, laakiin dhinaca kale, waxaa jira su’aalo laga keenay awooddiisa difaac, gaar ahaan marka Liverpool ay wajahdo kooxaha cadaadiska badan iyo weerarrada degdegga ah.

Agbonlahor wuxuu aaminsan yahay in dhibaatadu aysan ahayn wax si fudud loo sixi karo, isagoo sheegay in Frimpong asal ahaan yahay wing-back, ayna adkaan karto in laga dhigo daafac midig oo dhammaystiran.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga