Michael Carrick oo kahadlay Dagaalka Qadka dhexe ee Xidigaha Manchester united …….

Tababaraha Manchester United, Michael Carrick, ayaa si weyn u amaanay Kobbie Mainoo, kaddib bandhiggii cajiibka ahaa ee uu khadka dhexe ka sameeyay kulankii ay kooxda 5-2 kaga adkaatay Ipswich Town, Mainoo oo 21 jir ah ayaa xilli ciyaareedkan si wanaagsan ku soo laabtay, iyadoo Carrick uu aaminsan yahay in ciyaaryahanka reer England uu weli leeyahay fursad uu ku horumarin karo qaybo badan oo ciyaartiisa ah.

Mainoo ayaa qeybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore si weyn uga dhex muuqday Manchester United, taasoo u sahashay inuu ku biiro xulka England ee Koobka Adduunka, Si kastaba, intii uu socday Koobka Adduunka, fursad uu ku ciyaaro ma helin, isagoo siddeed kulan oo xiriir ah ku qaatay kursiga keydka.

Markii uu dib ugu soo laabtay Manchester United, Mainoo wuxuu helay fursad uu ku soo bandhigo awooddiisa, waxaana kulankii Ipswich uu sameeyay bandhig uu Carrick ku tilmaamay mid ka mid ah ciyaarihiisii ugu dhammaystirnaa, Michael Carrick ayaa sheegay in waxa ugu badan ee ka farxiyay ay tahay rabitaanka Mainoo ee ah inuu mar walba wax cusub barto.

“Waxaad arki kartaa horumarkiisa iyo sida uu u hagaajinayo dhinacyo kala duwan oo ciyaartiisa ah. Wuxuu doonayaa inuu wax barto, wuu u baahan yahay inuu wax barto, mar walbana wax badan ayuu doonayaa,” ayuu yiri Carrick.

Tababaraha United ayaa sidoo kale sheegay in Mainoo uusan ku qanacsanayn kaliya inuu boos ka helo kooxda, balse uu doonayo inuu sii kordhiyo heerkiisa, Manchester United ayaa xagaagan ku bixisay qiyaastii £155 milyan saddex ciyaaryahan oo khadka dhexe ah, taasoo ka dhigan in Mainoo uu wajahayo tartan adag.

Carlos Baleba, Andrey Santos iyo Youri Tielemans ayaa dhammaantood doonaya inay helaan boos joogto ah, halka Mason Mount uu sidoo kale dib ugu soo laabanayo tartanka kaddib dhaawac muddo bil ah ka maqnaa, Carrick, si kastaba, wuxuu aaminsan yahay in tartankaasi uu faa’iido u yahay kooxda.

“Waxaan u aragnaa tartanka inuu yahay wax wanaagsan. Waa koox xooggan oo ciyaartoydu ay is caawin karaan, midba midka kale wax uga baran karo,” ayuu yiri.

Inkasta oo United ay xagaagan keentay ciyaartoy badan oo khadka dhexe ah, Mainoo ayaa durba sameeyay sabab xooggan oo uu ugu dagaallamo boos joogto ah, Kulankii Ipswich wuxuu ka ciyaaray meel qoto dheer oo khadka dhexe ah, isagoo muujiyay horumar dhinaca difaaca ah—arrin horey walaac uga ahayd ciyaartiisa.

Carrick ayaa sheegay in Mainoo uu yeelan karo xilli ciyaareed weyn, “Kobbie wuxuu xaqiiqdii yeelan karaa xilli ciyaareed kale oo weyn. Wuxuu si wanaagsan ku soo laabtay, waxaana taas lagu arkay kulankii dhammaadkii toddobaadka,” ayuu yiri.

Carrick ayaa ugu dambeyn carrabka ku adkeeyay in Mainoo uu weli yahay ciyaaryahan da’yar, isla markaana uu leeyahay awood badan oo uu ku gaari karo heer sare:- “Weli waa da’yar, waxaana jira wax badan oo oo uusiin karo man utd,  Waxa ugu fiican ayaa ah inuu doonayo inuu wax  barto, talooyinka uu helo si fiican ayuu u qaataa, taasina waxay siinaysaa fursad weyn uu ku gaari karo awooddiisa buuxda,” ayuu yiri Carrick.

Manchester United ayaa sidaas darteed rajaynaysa in Mainoo uu sii wado horumarkiisa, iyadoo tartanka boosaska khadka dhexe uu xilli ciyaareedkan noqon doono mid aad u adag.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga