Barcelona oo wajahaysa Valencia – Waqtiga, Kanaalka iyo Dhaawaca Lamine Maciyaarayaa ?

Kooxda Barcelona, oo uu hoggaaminayo tababare Hansi Flick, ayaa maanta oo Axad ah kulan ka tirsan horyaalka La Liga la ciyaaraysa kooxda Valencia.

Barcelona ayaa marti u ah Valencia, iyadoo kulankan lagu ciyaarayo garoonka Mestalla, waxaana uu ka tirsan yahay wareegga 4-aad ee La Liga xilli ciyaareedka 2026/2027.

 Barcelona xaaladdeeda

Barcelona ayaa kulankan soo galaysa iyadoo haysata 9 dhibcood, kadib markii ay guuleysatay dhammaan saddexdii kulan ee hore ee horyaalka.

Kooxda Hansi Flick ayaa sidoo kale dooneysa inay ka faa’iideysato guuldarradii shalay soo gaartay Real Madrid, taasoo 3-da dhibcood looga adkaaday Real Betis.

Cabsi Barcelona ayaa ah inuusan ciyaarin Lamine oo shalay dhaawac ku seegay tababarkii kooxda shalay sameysay maanta ayaa la ogaan doona hadii uu ciyaarayo & hadii kale waqti kooxda lasafray wiilkan Asal Marrokanka ah.

 Goorma ayay ciyaartu bilaabanaysaa?

  • 🏆 Tartanka: La Liga
  • ⚔️ Kulanka: Valencia vs Barcelona
  • 🏟️ Garoonka: Mestalla
  • 📅 Maalinta: Axad, 6 Sebtembar 2026
  • Waqtiga: 5:15 galabnimo waqtiga Masar iyo Sacuudiga
  • 📺 Kanaalka: Somalifantasy.com
  • 🎙️ Faafiyaha: Hafiz Al-Dradji

Shaxda Barcelona ee la filayo inay maanta wajahdo Valencia – La Liga

Goolhaye:

  • Juan García.

Difaaca:

  • Eric García
  • Pau Cubarsí
  • Gerard Martín
  • João Cancelo

Khadka dhexe:

  • Pedri
  • Rodri
  • Fermín López

Weerarka:

  • Lamine Yamal
  • Anthony Gordon
  • Raphinha

Barcelona ayaa rajaynaysa inay sii wadato guulaha xiriirka ah, halka Valencia ay doonayso inay garoonkeeda kaga hor istaagto kooxda reer Catalonia.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga