Taageerayaasha Liverpool Oo U Codeeyay Tababaraha Ay Doonayaan In Lagu badalo Klopp Kadib Markii Xabi Alonso Iska Diiday.

Xabi Alonso ayaa iska diiday Liverpool waxana uu go’aansaday in uu iska sii joogo kooxdiisa Bayer Leverkusen wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

Kooxda Liverpool ayaa dareenkooda u jeedinaysa sidii ay u heli lahayd badalka Klopp iyaga oo ka raadinaya meel kale.

Taageerayaasha Liverpool ayaa fikirkooda ka dhiibtay tababaraha ay u arkaan in uu ku haboon yahay in uu Badalo Klopp.

Taageerayaal dhan 65.5% ayaa u codeeyay In Tababaraha Sporting Lisbon ee Amorim in uu noqdo badalka tababare Jurgen Klopp ee Liverpool.

Dhinaca kale 16.5% ayaa u codeeyay tababaraha Xulka qaranka Germany ee Nagelsmann halka 6.5% ay u codeeyeen tababaraha Brighton ee De Zerbi.

Ugu dambayn 11.5% ayaa u codeeyay in tababare aan kuwa kor ku xusan ahayn loo dhiibo xilka Tababaranimo ee kooxda Liverpool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga