Son Oo LIX Kulan Seegaya, Tomiyasu Oo Bil Ka Maqnaanaya Arsenal Iyo Sababta Ay U Walaacsan Yihiin Liverpool Iyo Chelsea

Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa lixda ciyaarood ee ugu soo horreeya sannadka cusub ee 2024, waxa ay waayi doontaa kabtankeeda Son Heung-min oo aan u ciyaari doonin.

Son oo dib ugu soo laabtay qaab-ciyaareedkiisii fiicnaa toddobaadkan isla markaana laba gool caawiyey, midna dhaliyey kulankii ay 4-1 ku xasuuqeen Newcastle ayaa waxa uu ka nixyye tababare Ange Postecoglou oo hore ula rafaadsanaa dersin dhaawacyo oo soo gaadhay kooxdiisa.

Tottenham oo toddobaadyadii ugu dambeeyey lumisay James Maddison, Micky van de Ven iyo dhawr ciyaartoy oo kale oo muhiim ah ayaa waxa usoo laabtay Richarlison oo laba jeer soo taabtay shabaqa Magies Axaddii.

Destiny Udogie and Cristian Romero ayaa sidoo kale lagu riday ganaaxyo, waxayna kusoo bilowdeen kulankii koowaad ee ay kasoo laabteen ganaaxyada, balse waxa ka baxaya kooxda Son oo afar usbuuc ka maqnaan doona kooxdiisa.

Laacibkan ayaa xulka qarankiisa South Korea waxa uu kala qayb-geli doonaa tartanka AFC Asia Cup ee lagu qabanayo waddanka Qatar, kaas oo bilaabmaya January 12, isla markaana socon doona illaa January 10, taas oo ka dhigan in uu maqnaan doono lix ciyaarood.

Kaddib kulanka Bournemouth ee sannadka cusub, Son ayaa u duuli doona dalkiisa, waxaana uu seegi doonaa wareegga saddexaad ee FA Cup ee ay January 5 ballansan yihiin Burnley, kaddibna waxa uu liiska kooxdiisa ka maqnaan doonaa kulamada Manchester United, Brenford, Everton iyo Brighton oo horyaalka Premier League ah.

Waxa kale oo aanu Son ciyaari doonin wareegga afraad ee FA Cup ee dhamaadka bisha January la dheeli doono haddii ay kooxdiisa Tottenham kasoo gudubto Burnley oo ay wareegga saddexaad isku dahceen.

Maqnaanshaha Son ayaa dhibaato weyn ku noqon doona Tottenham, laakiin ma aha kooxda kaliya ee ay ciyaartooyo muhiim ah ka tegayaan, waxaana ka mid ah Wolves oo uu ka bixi doono Hwang Hee-Chan oo reer South Korea ah iyo Arsenal oo lumin doonta Takehiro Tomiyasu oo u dhashay waddanka Japan.

Liveprool ayaa waxa kale oo ay waayi doontaa Mohamed Salah oo ka qayb-gelaya Koobka Qaramada Afrika iyo Nicolas Jackson oo isaguna ka tegi doona Chelsea si uu dalkiisa ugu dheelo Koobka Qaramada Afrika.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga