Michael Owen Oo Saadaaliyey Fursadda Manchester United Iyo Newcastle United Ugu Soo Bixi Karayaan Wareega 16ka Champions League

Halyeygii Liverpool iyo xulka qaranka England ee Michael Owen oo waqtiyo kooban usoo ciyaaray Manchester United iyo Newcastle United ayaa saadaaliyey fursadda ay wareegga 16ka Champions League ugu soo gudbi karaan kooxihiisa hore ee Man United iyo Newcastle.

Magpies iyo Red Devils ayaa labadaba ay xaaladdoodu halis ku jirtaa, waxaana Salaasada iyo Arbacada la go’aamin doonaa in ay kusii jirayaan tartamada Yurub iyo inay ka bixi doonaan.

Manchester United ayaa ah kooxda xaaladdu ku xun tahay ee kaalinta ugu hoosaysa kaga jira hormada A oo ay ku wehelinayaan Bayern Munich oo mar horeba soo baxday oo Salaasada kusoo booqanaysa garoonka Old Trafford iyo labada naadi ee kale ee Copenhagen iyo Galatasaray oo min hal dhibic ka sarreeya Man United oo wada ciyaaraya.

Red Devils waxay fursaddeedu ku jirtaa in ay ka badiso Bayern Munich, sidoo kalena ay barbarro ku dhamaato ciyaarta FC Copenhagen vs Galatasaray.

Newcastle United oo iyaduna Arbacada martigelin doonta AC Milan, ayaa labadooduba soo gudbi kara haddii ay kala badiyaan oo ay Borussia Dortmund garaacdo PSG, taas oo iyaduna ah xaalad filashadeedu adag tahay.

Michael Owen oo la weydiiyey fursadda kooxaha Ingiriiska ee Man United iyo Newcastle, ayaa yidhi: “Newcastle waxa ku dhacday nasiib-darro xun oo u diidday inay saddexda dhibcood helaan ciyaartii Paris.

“Qof walba wuu ogyahay in aanay gacantii rikoodhaha loogu dhigay PSG ahayn mid sax ah, waxaana laga dhaliyey gool nasiib-darro ah. Anigu ciyaartan (Newcastle vs AC Milan) waxa aan ka qabaa dareen ka duwan oo adag.

“Waxa aan sidaas u leeyahay, Newcastle wali waxay haysataa fursad xooggan oo ay kusoo baxdo. Waxa aan ku sharatamayaa in ay ka guuleysan doonaan AC Milan, waxaanan leeyahay 100% lama hubo in PSG ay kasoo adkaanayso Dortmund. SIdaa daraadeed, Newcastle waxay haysataa fursad fiican balse waxay kasii fiicnaan lahayd haddii aan rikoodhaha laga dhalin lahayn.”

Waxa kale oo uu Owen saadaaliyey ciyaarta Man United iyo Bayern Munich, waxaanu yidhi: “Aniga iima muuqato fursad ay Manchester United kusoo gudbayso, waxay ila tahay in aanu soo bixi doonin. Waan doonayaa in dhamaan kooxaha Ingiriisku fiicnaadaan, laakiin Man United ma aanay saminin wax ku filan oo ay ugu soo gdubi karayso wareegga xiga.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga