SAXIIX AAN CAADI AHEYN Inter oo lawareegtay Saxiixa John Stones

Difaaca xulka England John Stones ayaa ku biiraya kooxda Inter Milan, kaddib markii si buuxda la isugu raacay dhammaan shuruudihii qandaraaskiisa.

Stones ayaa saxiixi doona heshiis soconaya ilaa Juun 2028, iyadoo uusan ku jirin ikhtiyaar hal sano oo dheeraad ah.

Waxa uu Inter ka qaadan doonaa mushahar dhan ku dhowaad €4 milyan oo nadiif ah xilli ciyaareedkii, waxaana la filayaa inuu maalmaha soo socda gaaro magaalada Milan si uu u maro baaritaanka caafimaadka (medical), ka hor inta aan si rasmi ah loogu dhawaaqin ciyaaryahanka cusub ee Inter Milan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga