La Ogaaday: Kooxda Uu Victor Osimhen Ka Doortay Premier League Oo La Ogaaday.

Weeraryahanka Napoli Victor Osimhen ayaa diyaar u ah inuu u dhaqaaqo horyaalka Premier League, waxaana uu durba doortay kooxda uu doonayo in uu ku biiro sida ay sheegayaan wararku.

Weeraryahanka reer Nigeria ayaa ka mid ah ciyaartoyada loogu doonista badan yahay kubada cagta adduunka ka dib xilli ciyaareedkii hore oo uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.

Isbuucii hore, Osimhen ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu ka tago Naples dhamaadka xilli ciyaareedkan inkasta oo uu heshiis cusub u saxiixay kooxda laguna xidhay lacag lagu bur-burin karo oo dhan 111 milyan oo euro.

Chelsea, Arsenal iyo Manchester United ayaa dhamaantood jecel 25 jirkaan, halka milkiilaha Napoli Aurelio De Laurentiis uu dhawaan soo jeediyay Paris Saint-Germain iyo Real Madrid inay sidoo kale u dhaqaaqi karaan saxiixa xiddiga.

Laakiin hadda saxafiga sida fiican ugu xidhan Belgian ee Sascha Tavolieri, kaas oo raacay Osimhen intii uu amaah kula joogay kooxda Belgian Charleroi xilli ciyaareedkii 2018-19, ayaa sheegay in weeraryahanka uu u doortay kooxda Chelsea.

Osimhen waxa uu doonayaa in uu qaado tallabada xigta ee xirfadiisa Premier League waxa uuna aad u xiiseeyaa in uu u dhaqaaqo galbeedka London.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga