Ryan Gravenberch Oo Sharaxay Sirta Ka Dambaysa Qaab Ciyaareedkiisa Fiican Ee Liverpool.

Ryan Gravenberch waxa uu qabaa in sirta ka danbaysa kor u kaca qaab ciyaareedkiisa Liverpool ay taya samir iyo dul-qaad.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Netherlands, oo 22 jir ah, ayaa door muhiim ah ka qaatay Arne Slot xilli ciyaareedkan isagoo ku dhibtooday inuu qaab ciyaareed heer sarre ah gaaro intii lagu jiray ololihiisii ​​​​ugu horreeyay ee Jurgen Klopp.

Laakiin Gravenberch waxa uu sheegay in uu u baahnaa wakhti la qabsi ah sababtoo ah Premier League ayaa aad uga xoog badan Bundesliga, halkaas oo uu sanad kula soo qaatay Bayern Munich.

“Waxaan u maleynayaa inaan xilli ciyaareed fiican ku qaatay xilli ciyaareedkeygii ugu horreeyay ee Premier League,” Gravenberch ayaa u sheegay warbaahinta kooxda.

“Hadafkeygu wuxuu ahaa inaan helo daqiiqado ka badan intii aan ku soo qaatay kooxdeydii hore, waxaana gaaray hadafkaas, waxaa jiray kor u kac iyo hoos u dhac, laakiin ugu dambeyntii waxaan dib u milicsadaa xilli ciyaareedkeygii ugu horreeyay ee Liverpool aniga oo dareemaya dareen wanaagsan”.

“Premier League waa ka dhaqso badan yahay kubada cagta Jarmalka, aad ayuu u xoogan yahay, marka aad ku jirto kubad heysashada iyo marka aad cadaadinayso, labadaba, weerarada rogaal celiska ah ayaa ku socda xawaare badan, waxaana u maleynayaa inaad waqti badan ku heleyso kubada marka aad heysato kubada Bundesliga waa inaad la qabsato halkan, laakiin sida ugu dhakhsaha badan ee aad ula qabsanayso adiga ayay kugu xidhantahay”.

“Ciyaaryahan kastaa wuu ka duwan yahay, run ahaantii, waxaan jeclahay in aan la qabsado xilli ciyaareed, layguma baran Premier League, dabcan, kuma aanan ciyaarin kubad badan ka hor intaanan halkan imid, laakiin waxaan helay wakhti aan kula qabsado oo aan runtii u baahnaa”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga