Ruben Amorim Oo Haatanba Calaamadsaday 3-da Saxiix Ee Ugu Horeeya Ee Uu Keenayo Liverpool.

Ruben Amorim ayaa haatanba calaamadsaday 3-da saxiix ee ugu horeeya ee uu keeni doona Liverpool marka uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda sida ay sheegayaan wararku.

Sky Germany ayaa sheegtay In Amorim uu haatan heshiis la gaadhay Liverpool si uu u badalo Klopp dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay majaladda Portuguese-ka ah ee Jornal Noticias, Amorim ayaa isha ku haya inuu keeno Inacio iyo Ousmane Diomande si uu ugu xoojiyo daafaca dhexe ee Liverpool.

Amorim ayaa sidoo kale doonaya inuu keeno xiddiga khadka dhexe ee Sporting Morten Hjulmand iyada oo xiddiga khadka dhexe sidoo kale lala xidhiidhinayo Tottenham iyo Arsenal.

Ruben Amorim ayaa lagu soo waramayaa in uu heshiis 3 sano ah u saxiixi doono Liverpool si uu u noqdo badalka Jurgen Klopp dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga