Roy Keane Oo Magacaabay Xiddiga Sababta U Ahaa Guuldaradii Liverpool Ka Soo Gaadhay Arsenal.

Roy Keane ayaa si xun u weeraray daafacyada Liverpool iyo taatikada, isaga oo sheegay in ‘uu rumaysan waayay sida ay u xun yihiin’ kulankii Arsenal ee Axadii.

Liverpool ayaa kaliya la kulantay guuldaradii labaad ee Premier Leaque-ga ee xili ciyaareedkan ka soo gaadhay Emirates, waxayna guuldaro 3-1 ah kala iyaga oo uga mahad celinaya Bukayo Saka, Gabriel Martinelli iyo Leandro Trossard.

Kadib dhamaadka ciyaarta Daafaca Virgil Van Dijk ayaa sheegay in uu isagu masuuliyada dusha saartay kadib khaladka dhacay.

Keane ayaa ku raacay Van Dijk laakiin waxa uu sheegay wax intaas ka badan isaga oo sheegay in kooxda Liverpool oo dhan si khaldan ku bilaabatay ciyaarta.

“Dhinaca cadaadiska bilowgii ilaa dhamaadkii ma rumaysan karo sidii ay u xumaayeen” ayuu yidhi Halyeeyga Man United.

“Amaanta waxa iska leh Arsenal kuwaas oo u soo diyaar garoobay kulanka Laakiin Liverpool ayaa difaac ahaan si fudud u bixisay goolasha”.

“Guud ahaan Liverpool ayaa ahayd mid aad u xun min weerarka ilaa Goolhayaha waxana ay isku adkeeyeen wax walba”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga