DAAWO:- Taageerayaasha Barcelona oo durba la indha daraan daray Saxiixooda cusub ee …

Anthony Gordon ayaa si cajiib ah ku bilaabay waayihiisa kooxda FC Barcelona, kaddib markii uu qayb ka noqday guushii weynayd ee 5-0 ahayd ee ay Barcelona ka gaartay Elche kulankii La Liga.

Gordon oo xagaagan Newcastle kaga soo biiray Barcelona lacag dhan £70 milyan, ayaa ciyaarta soo galay daqiiqaddii 65-aad, isagoo beddelay xiddiga da’da yar ee Lamine Yamal.

Inkasta oo uu garoonka ku jiray waqti kooban, haddana ciyaaryahanka reer England wuxuu sameeyay saameyn degdeg ah.

Gordon wuxuu kubadda helay wax yar kaddib markii uu soo galay, waxaana uu sameeyay baas xeeladaysan oo dhex maray daafacyada Elche, isagoo kubadda u dhigay Raphinha, kaas oo dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta, afar daqiiqo kaddib Gordon wuxuu ka faa’iidaystay baas qurux badan oo uu ka helay Pedri, isagoo xawaare sare ku dhex orday daafaca Elche.

Halkii uu isagu goolka isku dayi lahaa, Gordon wuxuu si deggan kubadda ugu celiyay Fermín López, kaas oo si fudud shabaqa ugu taabtay, Barcelona-na 4-0 ka dhigay, ugu dambeyn Fermín ayaa dhaliyay gool kale, waxaana ciyaartu ku dhammaatay 5-0.

😱 Taageerayaasha Barcelona oo Gordon la dhacay

Bandhigga Gordon wuxuu durba ka dhaliyay taageerayaasha Barcelona hadal badan, mid ka mid ah taageerayaasha ayaa yiri:

“Anthony Gordon wuxuu Barcelona kulankiisii ugu horreeyay ku yiri: magacayga xusuusta.”

Taageere kale ayaa amaanay sida uu Gordon ugu deeqay Fermín fursaddii goolka, isagoo ku tilmaamay ciyaaryahan aan danayste ahayn, l aakiin taageere kale ayaa hadalka sii fogeeyay, isagoo kaftan ahaan yiri: “Waxaa laga yaabaa inaan Yamal kursiga keydka dhigno ilaa uu Gordon wax hagaajinayo.”

Hadalkan inkastoo uu yahay aragti xamaasad leh oo taageere, haddana wuxuu muujinayaa sida degdegga ah ee Gordon uu qalbiga uga galay taageerayaasha Barcelona.

Barcelona fans give immediate Anthony Gordon verdict after LaLiga debut cameo and even want him to bench Lamine Yamal

Gordon wuxuu Barcelona ugu yimid inuu kooxda ku kordhiyo xawaare, awood weerar iyo qoto-dheeri, gaar ahaan kadib isbeddelladii waaweynaa ee ku dhacay weerarka kooxda si kastaba, boos joogto ah oo uu ka helo kooxda ma fududa.

Lamine Yamal ayaa xilli ciyaareedkii hore noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan Barcelona, isagoo dhaliyay 24 gool tartamada oo dhan , sidoo kale Raphinha ayaa weli ah qayb muhiim ah oo weerarka kooxda ah, sidaas darteed Gordon wuxuu wajahayaa tartan adag si uu ugu bilaabo Barcelona kulamada waaweyn.

Haddii bandhiggan ugu horreeya uu yahay calaamad muujinaysa waxa laga filan karo, Barcelona waxay u muuqataa inay heshay ciyaaryahan awood u leh inuu kooxda wax badan ku kordhiyo, hal kulan oo keliya lagama dhigi karo Gordon inuu ka sarreeyo Yamal ama Raphinha, balse labada caawin ee uu sameeyay iyo saameyntii uu ku yeeshay ciyaarta daqiiqado yar gudaheed ayaa taageerayaasha siisay sabab ay ugu rajo weynaan karaan.

Barcelona oo doonaysa inay sii waddo awooddeeda La Liga, Gordon-na wuxuu hadda haystaa fursad uu ku caddeeyo sababta loogu bixiyay £70 milyan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga