Chelsea ayaa si weyn ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee Premier League 2026/27, kadib markii ay 3-2 kaga adkaatay Fulham kulan xiiso badan oo ka dhacay garoonka Fulham, kaasoo ahaa ciyaartii lagu soo gabagabeynayay wareegga koowaad ee horyaalka.
Chelsea ayaa ciyaarta si xoog leh ku bilaabatay, waxaana daqiiqaddii ugu horreysay goolka furitaanka u dhaliyay João Pedro, taasoo Blues siisay bilow riyo ah, Fulham ayaa se aan waqti badan qaadan, waxaana ay ciyaarta ku soo celisay barbaro kadib markii Josh King uu dhaliyay goolka 1-1.
Chelsea ayaa markale hoggaanka qabatay wax yar ka hor dhammaadka qeybta hore, iyadoo Morgan Rogers uu daqiiqaddii 41-aad dhaliyay goolka labaad, bilowgii qeybta labaadna Chelsea ayaa sii kordhisay cadaadiska, waxaana Cole Palmer uu daqiiqaddii 49-aad dhaliyay goolka saddexaad.
Fulham ayaa isku dayday inay ciyaarta dib ugu soo laabato, waxaana daqiiqaddii 54-aad goolka labaad u dhaliyay Gonzalo García, kaasoo ahaa goolkiisii ugu horreeyay ee uu u dhaliyo Fulham tan iyo markii uu xagaagan uga soo wareegay Real Madrid.
Kulanka ayaa sidaas darteed yeeshay “dhadhan Real Madrid”, maadaama labada kooxood ay tababarayaal hore usoo maamulay kooxda boqortooyada Spain, Xabi Alonso ayaa hadda tababare u ah Chelsea kadib markii uu Real Madrid ka tagay horaantii sanadkan, halka Álvaro Arbeloa uu tababare ka yahay Fulham, isaga oo sidoo kale xagaagan ka soo dhaqaaqay Real Madrid.
Inkasta oo Fulham ay isku dayday inay hesho goolka barbaraha, Chelsea ayaa difaacatay hoggaankeeda, waxayna ugu dambeyn ku guuleysatay 3-2, iyadoo sidaas ku qaadatay 3-da dhibcood ee ugu horreeya xilli ciyaareedka cusub, guushan ayaa Chelsea siisay bilow wanaagsan, halka Fulham ay inkastoo ay labo gool dhalisay ay ku bilaabatay xilli ciyaareedka iyadoo aan wax dhibco ah helin.
Be the first to comment