KULAN QARSOODI AH:- Masuul Athletico ka tirsan ee diidan Alvarez inuu kubiiro Barcelona waa kuma. ?

Julián Álvarez ayaa wajahaya xaalad aad u xasaasi ah oo ku saabsan mustaqbalkiisa Atlético Madrid, iyadoo Barcelona ay weli tahay kooxda uu ciyaaryahanku doonayo inuu ku biiro, Diego Simeone ayaa lagu sheegay inuu si cad u doonaya in Álvarez uu ka tago Atlético Madrid, isagoo dareensan in xiddigu uu lumiyay dhiirrigelintii iyo rabitaankii uu kooxda ugu ciyaari lahaa.

Dhanka maamulka Atlético Madrid, inta badan xubnaha ayaa la sheegay inay taageersan yihiin in ciyaaryahanka la iibiyo, xitaa haddii uu u wareego Barcelona, hase yeeshee, Ángel Marín ayaa si adag uga soo horjeeda in Álvarez loo diro Barcelona, isaga oo doorbidaya Arsenal.

Arsenal ayaa dadaal xooggan ka wadday heshiiska, waxaana la sheegay inay xiriir joogto ah la leedahay wakiilka Álvarez iyo Atlético Madrid, si kastaba, Álvarez laftiisa wuxuu doonayaa Barcelona, mana doonayo inuu u wareego Arsenal waqtigan.

Barcelona-na waxay Álvarez u aragtaa ciyaaryahan muhiim u ah mashruuca mustaqbalka,  Hansi Flick ayaa si gaar ah u doonaya heshiiskan, waxaana la sheegay in Barcelona ay ka laabatay bartilmaameedyo kale iyadoo Álvarez ka dhigtay magaca ugu weyn ee ay rabto.

Xaaladda ayaa hadda cadaadis weyn ku saaraysa Atlético Madrid. Haddii Álvarez uu sii wado mowqifkiisa ah “Barcelona oo keliya”, waxaa suuragal ah in Atlético lagu qasbo inay Barcelona la fariisato oo ay ka wada xaajooto iibkiisa, inkastoo Ángel Marín uu weli doonayo inuu heshiiska u jiheeyo Arsenal.

Saddexda maalmood ee 25, 26 iyo 27 Agoosto ayaa noqon kara kuwa ugu muhiimsan, iyadoo wada-hadallada gudaha Atlético Madrid ay weli socdaan, warbixintu waxay saadaalisay in haddii cadaadisku sii socdo, Álvarez ugu dambayn uu ku dambayn karo Barcelona.

Marka la soo koobo: Álvarez wuxuu rabaa Barcelona, Simeone wuxuu doonayaa inuu baxo, Arsenal-na way doonaysaa, halka qayb ka mid ah maamulka Atlético ay isku dayayaan inay ka hor istaagaan Barcelona,  Sidaas darteed, maalmaha soo socda ayaa go’aamin kara halka uu ku dambayn doono xiddiga reer Argentina.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga