Kooxda Arsenal ayaa wajahaysa dharbaaxo weyn oo suuqa kala iibsiga ah, kaddib markii xiddiga ay xiisaynaysay ee Kenan Yildiz uu dhaawacmay, taasoo ka dhigaysa in fursadda ay ugu dhaqaaqi lahaayeen ciyaaryahanka Juventus ay si weyn hoos ugu dhacdo.
Arsenal ayaa doonaysa inay xoojiso garabka bidix ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga, waxaana tababare Mikel Arteta si gaar ah u doonayay Yildiz oo 21 jir ah, Yildiz ayaa dhaawac cagta ah soo gaaray intii lagu jiray kulankii Juventus ay 1-0 kaga adkaatay Frosinone Axaddii.
Xiddiga reer Turkey ayaa ciyaarta laga saaray daqiiqaddii 69-aad, waxaana wararka ka imaanaya Talyaaniga ay sheegayaan in dhaawacu noqon karo mid halis ah, waxaa xitaa jirta cabsi ah in Yildiz uu maqnaado illaa laba bilood, iyadoo sidoo kale aan meesha laga saarin in loo baahdo qalliin.
Haddii muddadaas maqnaanshaha la xaqiijiyo, Arsenal ayaa u badan inay ka tanaasusho isku daygii ay ku doonaysay inay xiddigan keento London xagaagan dhibaatada Arsenal ayaa ah in kooxda ay sidoo kale qarka u saaran tahay inay weydo Gabriel Martinelli.
Martinelli ayaa wadahadallo kula jira kooxda Sacuudiga ee Al Hilal, waxaana Arsenal diyaar u tahay inay iibiso haddii la keeno lacag ku dhow £60 milyan, Arsenal ayaa hore u diiday dalab dhan £38 milyan oo Galatasaray ay ka soo gudbisay Martinelli, laakiin hadda waxay u muuqataa inay diyaar u tahay inay aqbasho qiime ka sarreeya.
Martinelli wuxuu Arsenal joogay muddo toddobo sano ah, laakiin qandaraaskiisa ayaa galay sannadkiisii ugu dambeeyay, inkastoo kooxda ay haysato ikhtiyaar ay hal sano kale ku kordhin karto xitaa ka hor dhaawaca, Juventus waxay si cad u sheegtay in Yildiz uusan iib ahayn.
Tababaraha Juventus Luciano Spalletti ayaa hore u sheegay inuu doonayo inuu xiddiga reer Turkey sii haysto, isaga oo muujiyay inuusan ka welwelin xiisaha kooxaha kale , sidaas darteed waxay wajahaysaa laba caqabadood: Juventus oo aan doonayn inay iibiso Yildiz iyo dhaawaca hadda soo gaaray ciyaaryahanka.
Be the first to comment