XASAASI: Man United Oo La Xidhiidhay Laba Tababare Oo Ay U Aragto Badalka Erik Ten Hag.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in ay xidhiidh la samaysay Antonio Conte iyo Julen Lopetegui bilihii dhawaa.

In kasta oo Erik ten Hag uu ku hogaamiyay Carabao cup-ka xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee kooxda hadana kooxda ayaa si weyn u dhibaatootay xilli ciyaareedkan iyada oo lagu soo waramayo in uuna booskiisu aamin ahayn.

ka hadhistii champions League ee wakhtiga hore ayaa keentay in shaki la galiyo mustaqbalka Tababaraha xilli ay haatan ku jirto kaalinta 6-aad ee kala saraynta horyaalka.

Haatan United ayaa 6 dhibcood ka dambaysa booska loogu soo boxo champions League iyada oo kooxdu badisay 2 kulan oo xidhiidh ah.

Si kasta ha ahaatee waxa laga rabaa tababaraha in ay sii socdaan natiijooyinkaas fiican hadii uu doonayo in uu sii ahaado tababaraha kooxda.

Sida laga soo xigtay CaughtOffside, United ayaa weli diyaar u ah inay tixgeliso beddelka Ten Hag xilligan.

Wararka ayaa xitaa sheegaya in ay kooxdu haatanba la xidhiidhay tababarayaasha Conte iyo Lopetegui si ay ugu badalaan Ten Hag hadii ay kooxdu sii wado luminta dhibcaha.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga