Roy Keane ayaa ku booriyay FA-ga in ay si wanaagsan u raadiyaan tababaraha cusub ee England si uu u badalo Gareth Southgate.
Tiro musharaxiin ah oo magac sare leh ayaa lala xiriirinayay doorka dhowrkii bilood ee la soo dhaafay laakiin FA-ga ayaan wali go’aan gaarin.
Tababaraha ku meel gaadhka ah Lee Carsley ayaa diiday inuu xaqiijiyo inuu doonayo in si joogto ah loogu tixgeliyo shaqada iyo in kale.
Tababarayaal ay ka mid yihiin Thomas Tuchel, Graham Potter iyo Eddie Howe ayaa sidoo kale lagu sheegay inay yihiin musharixiin suurtagalka ah.
Isagoo u hadlayay ITV Sport ka dib guushii England ay ka gaareen Finland Axadii, Keane ayaa ku booriyay FA-ga in ay hiigsadaan sida ugu macquulsan ee ay ku raadinayaan tababare cusub.
Wuxuu u magacaabay Pep Guardiola inuu yahay musharaxa ugu haboon iyada oo heshiiska tababaraha Man City dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.
“Waa in ay aadaan Pep Guardiola, waa in ay raadiyaan kuwa ugu fiican”ayuu Keane yidhi.
“FA-ga waa in ay raadiyaan ninka ugu fiican, ma garanayo in dhaqaalaha ay ku qaadan doonto”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment