Ronaldo oo garab istaagay Rúben Neves: “Tallaabo adag ha laga qaado taageerayaasha”

Halyeeyga kubadda cagta Portugal iyo kabtanka Al Nassr FC, Cristiano Ronaldo, ayaa si kulul uga hadlay dhacdo muran dhalisay oo ku lug lahayd ciyaaryahanka Al Hilal, Rúben Neves, Dhacdadan ayaa dhacday kaddib ciyaartii dhexmartay Al Hilal iyo Al Taawoun, taas oo ku soo dhammaatay guul weyn oo 6–0 ah oo ay Al Hilal gaartay.

Intii ciyaartu socotay, waxaa baraha bulshada lagu faafiyay muuqaal muujinaya qaar ka mid ah taageerayaasha Al Taawoun oo Neves ku kicinayay iyagoo ku dhawaaqayay magaca saaxiibkiisii dhowaa ee Diogo Jota, Jota, oo ahaa ciyaaryahan reer Portugal ah, ayaa xagaagii hore ku geeriyooday shil gaari, taas oo dhacdadan ka dhigtay mid si gaar ah xasaasi u ah.

Markii Neves uu maqlay taageerayaasha oo ku dhawaaqaya magaca “Jota, Jota”, wuxuu farta ku fiiqay indhihiisa, kaddibna cirka ayuu u tilmaamay, isagoo muujinayay in Ilaahay uu arko aflagaadada iyo waxa dhacaya, Dhacdadan ayaa dhalisay dood weyn oo ku saabsan xadka ay tahay in taageerayaashu gaaraan marka ay kooxahooda garab istaagayaan.

Ronaldo ayaa si cad u cambaareeyay hab-dhaqankaas, isagoo sheegay in horyaalka Sacuudiga uu qaado tallaabo adag oo lagu ciqaabayo taageerayaasha ku kacaya falalka noocaas ah, Ronaldo wuxuu sidoo kale sheegay in waxa dhacay aysan mar dambe ahayn kubad cag oo keliya, isla markaana ay tahay in xad loo sameeyo dhaqanka taageerayaasha.

Wuxuu intaas ku daray in dadka sidaas u dhaqmaya aan mar dambe loo oggolaan inay garoomada soo galaan, si looga hortago in dhacdooyin la mid ah ay dib u soo noqdaan.

Ronaldo wuxuu u muuqdaa inuu si buuxda ula safanayo Rúben Neves, isagoo ku baaqaya in kubadda cagta lagu ilaaliyo ixtiraam, anshax iyo xuduud, xitaa marka ay jirto xafiiltan adag oo garoonka ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga