Ronaldinho Oo Tilmaamay Hal Arrin Oo Uu Doonayo In Uu Kylian Mbappe U Sameeyo

Halyeyga reer Brazil ee Ronaldinho  ayaa shaaciyey hal arrin oo uu ka doonayo, in xiddiga reer France ee Kylian Mbappe uu u sameeyo kooxdiisii hore ee Paris Saint-Germain ka hor inta aanu ka tegin ee aanu u wareegin naadi kale.

Ronaldinho oo usoo ciyaaray Paris Saint-Germain ka hor intii aanu u wareegin Barcelona, ayaa waxa uu doonayaa in Mbappe oo 24 jir ah aanu ka tegin kooxdaas xagaaga, iyadoo la ogyahay in qandaraaska uu xiddigani kula jiro kooxda reer Paris uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan.

Laacibkan ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or, ayaa waxa uu ka tegay PSG sannadkii 2005, waxyar kaddibna waxa uu ku guuleystay abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or, hase yeeshee waxa uu ka codsaday Mbappe in uu sii joogo Parc des Princes illaa inta uu ku guuleysanayo Ballon d’Or.

Ronaldinho oo waraysi siinayay wargeyska France Football ayaa yidhi: “Ciyaartoyga sidiisa oo kale u wanaagsan, waxa uu fursad fiican u haystaa in uu abaal-marinta Ballon d’Or kula guuleysto koox kasta, laakiin anigu waxa aan la jecelahay PSG, waxa aan doonayaa in uu PSG ku qaado abaal-marinta Ballon d’Or.”

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Ronaldinho ee ku waajahan Mbappe ayaa u muuqda mid ay adag tahay in uu dhaqan-galo, sababtoo ah laacibkan ayay u badan tahay in uu ka tago kooxdaas marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda iyadoo abaal-marinta Ballon d’Or ee ugu soo horreysana la bixin doono bisha November ee sannadka dambe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga