Manchester United ayaa guul weyn ka gaartay Ipswich Town, kadib markii ay 5-2 ku garaacday, laakiin kulanka waxaa hareeyay muran xooggan oo ka dhashay goolkii labaad ee United, Ipswich ayaa ciyaarta si fiican ku bilaabatay, waxaana goolka furitaanka u dhaliyay Leif Davis. Manchester United ayaa markii dambe barbaraha heshay, iyadoo Bruno Fernandes uu ka faa’iidaystay qalad ay sameeyeen daafacyada Ipswich.
Laakiin dhacdadii ugu hadal-haynta badnayd waxay timid markii Harry Maguire uu kubadda kula dagaallamay ciyaaryahan Ipswich ah, Kubadda ayaa u muuqatay inay gacanta Maguire ku dhacday, ka hor inta uusan kubadda ku tuurin dhanka goolka, kubaddii uu Maguire tuuray ayaa ku dhacday Jacob Greaves, waxaana ugu dambayn loo diiwaangeliyay gool uu iska dhaliyay ciyaaryahanka Ipswich.
Taageerayaasha ayaa markiiba su’aal geliyay go’aanka garsooraha iyo VAR, iyagoo ku dooday in goolka aan la ansixin karin maadaama Maguire uu kubadda gacantiisa ku taabtay, si kastaba ha ahaatee, VAR ayaa go’aamisay in taabashada gacanta Maguire ay ahayd mid aan ula kac ahayn, Maadaama Maguire uusan ahayn ciyaaryahanka ugu dambeeyay ee kubadda goolka geliyay, goolka waa la ansixiyay.
Haddii Maguire uu si toos ah isagu goolka u dhalin lahaa, waxaa suuragal ahayd in goolka la diido. Laakiin maadaama kubadda ay ka leexatay Greaves oo loo aqoonsaday gool uu isagu iska dhaliyay, sharciga ayaa oggolaaday in goolka la ansixiyo, go’aankaas ayaa taageerayaal badan ka careysiiyay, waxaana baraha bulshada ka bilowday dood ku saabsan sida loo fasirayo sharciga kubadda gacanta.
Dhanka ciyaarta, Manchester United ayaa sii xoogaysatay kadib markii ay heshay goolka labaad. Bruno Fernandes ayaa dhammeystiray hat-trick, halka Bryan Mbeumo uu isna shabaqa soo taabtay, Ipswich ayaa hal gool oo dambe dhalisay, laakiin Manchester United ayaa ugu dambayn ku adkaatay 5-2, Sidaas darteed, United waxay heshay saddex dhibcood oo muhiim ah, halka Harry Maguire iyo goolkii muranka dhaliyay ay noqdeen sheekada ugu weyn ee kulanka.
The Maguire incident was a handball, plain and simple. The arms were up and the block directly kept the attack alive. The only reason the goal stood is a bizarre loophole: the rules only cancel a goal if the handling player scores immediately. Because it went in off a defender,…
— Aarham (@Aarham_M) August 30, 2026
Be the first to comment