LA OGAADAY: Xiddiga Garabka U Ah Erik ten Hag Ee Mar Walba Ku Difaaca Qolka Labbiska

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag, waxa uu qolka labbiska kooxdiisa ku haystaa hal ciyaartoy oo taageere weyn u ah, kaas oo mar walba ka difaaca eedaynta iyo guuxa kasoo baxa qolka labbiska.

Red Devils oo guul-darradii 10aad ee xilli-ciyaareedkan la kulantay Sabtidii oo ay Newcastle United si xun u garaacday, kuwaas oo lix ka mid ah ay ahaayeen horyaalka Premier League, waxa uu cadaadisku kusii kordhayaa Erik ten Hag oo su’aal la gelinayo mustaqbalkiisa.

Arbacadii oo ay barbarro 3-3 ah la galeen Galatasaray, isla markaana laalantay rajadooda tartanka Champions League, ayaa waxay keentay in tiro ciyaartoyda kooxda koowaad ah ay lumiyaan kalsoonida ay ku qabaan tababarahooda.

Telefishanka ESPN ayaa sheegay, in tiro ka mid ah ciyaartoyda kooxda koowaad iyo shaqaaluhuba ay difaaceen Ten Hag, balse uu qolka labbiska ka jiro walaac isku rogi kara kacdoon ay sameeyaan ciyaartoydu haddii aanay si degdeg ah kooxdu u qabsanin dariiqa guusha.

Warka ayaa intaa ku daray, in tababare Erik ten Hag oo si weyn u difaaca labada ciyaartoy ee uu culayska badan saaran yahay ee Andre Onana iyo Marcus Rashford, in uu qolka labbiska ku haysto taageere weyn oo gar iyo gardarraba garabkiisa taagan.

Difaaca dhexe ee reer Argentina ee Lisandro Martinez ayaa la sheegay in uu yahay garabka ugu weyn ee Ten Hag ee ka difaaca wax kasta oo kaga yimaadda qolka labbiska, iyadoo laacibkan uu kasoo kabanayo dhaawac sababay in qalliin lagu sameeyo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga