DEG-DEG: Xiddig Caan Ah Oo Geeri Deg-deg Ah Ku Timid

Xiddig caan ah ayaa la shaaciyey geeri degdeg ah oo ku timid, waxaana bilaabantay baroor-diiqda kooxaha iyo saaxiibbadiisii, waxaana baraha bulshada si weyn loogu tacsiyeynayaa qoyska laacibkan.

Kia Thurman oo ay da’diisu ahayd 31 jir oo uu dambayntii u ciyaari jiray Long Eaton United, ayaa si lama filaan ah u geeriyooday.

War-saxaafadeed ay soo saartay kooxdiisu ayaa lagu shaaciyey warka geerida ee naxdinta leh, kaas oo xanuun uu kusoo  booday, kaddibna geeriyooday.

Kial ayaa usoo ciyaaray kooxaha heerarka kala duwan ee Long Eaton, waxaana sidoo kale uu usoo dheelay Derby County, Shouth Derbyshire iyo naadiyo kale oo heerarka da’yarta ah.

Laacibkan ayaa sidoo kale waqti kusoo qaatay Nottingham Forest oo war-saxaafadeed soo saartay, laakiin waxa aan illaa hadda kooxahani faahfaahin buuxda kama aanay bixinin sababta keentay dhimashada laacibkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga