hugo ekitike oo kashifay war cusub oo ku saabsan dhaawaciisa – soo laabashadiisa liverpool …..

Liverpool FC weeraryahanka Hugo Ekitike ayaa bixiyay xog cusub oo ku saabsan xaaladdiisa caafimaad, iyadoo uu weli ku guda jiro soo kabashada dhaawac halis ah oo soo gaaray xilli ciyaareedkii hore, Ekitike ayaa dhaawac ka soo gaaray Achilles tendon-ka, kaas oo ku qasbay inuu garoomada ka maqnaado muddo dheer, dhaawaca ayaa dhacay bishii Abriil, waxaana xigay qalliin lagu sameeyay si uu u bilaabo waddada soo kabashada.

24-jirka reer France ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Liverpool si wanaagsan ku bilowday, isagoo dhaliyay 17 gool, balse dhaawaca ayaa soo afjaray xilli ciyaareedkiisa isagoo aan awoodin inuu sii wato ciyaaraha, xarunta caafimaadka ee Clairefontaine, oo ah xarunta ay adeegsato xulka qaranka France, ayaa baraha bulshada ku baahisay sawirro muujinaya Ekitike oo si adag uga shaqeynaya soo kabashadiisa.

Ekitike ayaa sawirradaas ku wadaagay Instagram Story-giisa,  taasoo muujinaysa in uu si joogto ah ugu jiro barnaamijka baxnaaninta, ababaraha Liverpool, Andoni Iraola, ayaa hore uga hadlay xaaladda Ekitike intii lagu jiray diyaar-garowga xilli ciyaareedka,  Wuxuu sheegay in Ekitike iyo Conor Bradley ay wali aad uga fog yihiin inay garoomada kusoo laabtaan.

Iraola wuxuu sheegay in kooxda ay ka hadlayso bilo, halkii ay ka ahaan lahayd toddobaadyo, taasoo muujinaysa in Liverpool aysan filayn in Ekitike si degdeg ah ugu soo laabto kooxda koowaad, Liverpool ayaa sidoo kale dhaawacyo muddo dheer ah kula tacaalaysa Giovanni Leoni iyo Conor Bradley, halka Joe Gomez iyo Federico Chiesa ay iyaguna maqnaayeen bilowgii xilli ciyaareedka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga