Rodri Oo Ku Digtay Arsenal Kadib Markii Ay Kooxdiisu Ku Guulaystay Premier League.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Rodri ayaa su’aal galiyay qaabkii ay Arsenal bar-baraha uGu ciyaartay kulankii ay booqatay Etihad waxana uu sheegay in uu kulankaas door ka ciyaaray tartanka horyaalka premier League.

Kooxda Pep Guardiola ayaa ku guulaystay horyaalka premier League kadib markii ay ka badiyeen West Ham.

Kooxda Mikel Arteta ayaa bar-baro 0/0 ah la gashay Man City bishii March, Rodri sheegay in kadib arintaas uu horyaalku u leexday dhinaca Man City.

Markii la waydiiyay sida ay Man City u sii wado ku guulaysiga premier League ayuu yidhi”Hadii aan runta ka hadlo waa maskaxdooda”.

“Ciyaartoyda waa weyn waxay ku jiraan dhamaan horyaalka, naadiyada oo dhan”.

“Markii ay Etihad yimaadeen waxa ay u ciyaareen bar-baro waxa ay doonayeen kaliya bar-baro”.

“Maskaxdaas ayaa ah mid xuna, uma malaynayo in aan sidaas samayn lahayn anagu”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga