Rodri ayaa uga digay Arsenal in tartanka hanashada horyaalka Premier League uusan sahlanayn, kadib guushii Manchester City ee FA Cup-ka Sabtidii.
Gool qurux badan oo uu ciribta ku dhaliyay Antoine Semenyo ayaa City ku hoggaamiyay inay 1-0 kaga adkaato Chelsea garoonka Wembley Stadium, taasoo siisay koobkoodii labaad ee xilli ciyaareedkan kooxda uu hoggaamiyo Pep Guardiola, kadib markii ay Arsenal kaga guuleysteen final-kii Carabao Cup bishii March.
City hadda waxay diiradda saari doontaa Premier League-ka, iyadoo labo dhibcood ka dambeysa Arsenal, halka labo kulan oo keliya ay ka harsan yihiin xilli ciyaareedka.
Arsenal waxay shan dhibcood ku hormari doontaa haddii ay gurigeeda kaga badiso Burnley maalinta Isniinta, halka City ay tartanka horyaalka gaarsiin karto maalinta ugu dambeysa haddii ay bannaanka kaga badiso AFC Bournemouth habeenka salaada.
Maalinta ugu dambeysa ee xilli ciyaareedka Premier League Axadda soo socota, Manchester City waxay martigelin doontaa Aston Villa garoonka Etihad Stadium, halka Arsenal ay safar ugu bixi doonto Crystal Palace.
Isagoo hadlayay kadib guushii City ee koobka FA Cup-ka ee Wembley, Rodri wuxuu si adag u sheegay in Arsenal wali ay dhibco lumin karto tartanka horyaalka ay kula jirto City.
“Haah, guusha FA Cup-ka waxay na siisay kalsooni dheeraad ah, laakiin deggenaanteena ma luminayno. Weli labo kulan ayaa noo harsan, waana kulamo waaweyn oo aad u adag,” ayuu yiri Rodri.
“Wax walba way dhici karaan, waxa kaliya ee aan u baahanahay waa inay Arsenal dhibco lumiyaan. Taasi way dhici kartaa kulanka xiga ama kulanka ugu dambeeya”
“Laakiin haddii aan anigu joogi lahaa xaaladdooda, ma sahlana inaad shaqada dhamaystirto. Waa inaan sii wadnaa cadaadiska ilaa dhammaadka,” ayuu yiri Rodri.
Markii la weydiiyay inuu aaminsan yahay in Arsenal dhibco lumin karto, Rodri wuxuu ku jawaabay:“Waxaan ula jeedaa, waayo-aragnimadeenna, waxaan ku sigannay inaan luminno horyaalka annagoo gurigeenna kula ciyaareynay Aston Villa daqiiqaddii 80-aad sanadkii 2022″
“Sidaas darteed wax walba way ka dhici karaan kubadda cagta. Waan ognahay sida ay u adag tahay in wax la soo xiro, sidoo kale waan ognahay sida ay u adag tahay inaad koox kasta kaga badiso Premier League-kan.”
Be the first to comment