Rikoodhada Taariikhiga Ah Ee Sugaya Cristiano Ronaldo Euro 2024

Xiddiga reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaa isku diyaarinaya inuu dalkiisa ku hogaamiyo koobka qaramada Yurub “Euro 2024”.

Tani waxay noqon doontaa markii lixaad ee uu Ronaldo ka qaybgalo tartamada Euro, ka dib markii uu ka qayb-galkiisii ​​ugu horeeyay uu ahaa Euro 2004.

Ronaldo, oo 39 jir ah, ayaa caadaystay inuu jabiyo rikoorada, waxaana uu heystaa qaar kale oo badan oo uu ka jabin karo Koobka Qaramada Yurub, kaasoo laga yaabo inuu noqdo kiisii ​​ugu dambeeyay ee heer caalami.

Portugal ayaa kulanka furitaanka Group F wajihi doona Salaasada soo socota ka hor inta aysan wajahin Turkey sabtida dambe 22 June iyada oo Group-ka ku soo xidhi doona kulanka Georgia.

1.Ronaldo ayaa jabin kara rikoorka gool caawinta ugu badan taariikhda tartamada Euro ee heerka Groupyada.

Ronaldo ayaa hadda ku jira kaalinta labaad, isagoo hal caawin ka dambeeya garabkii hore ee Manchester United    Karel Poborski, sida laga soo xigtay wargeyska “Mirror”.

Ronaldo ayaa todoba caawin ka sameeyay heerka guruubyada Euro, Poborski ayaa wadar ahaan sideed caawin u sameeyay Xulka Czechs isaga oo 3 sameeyay sanadkii 996 halka uu mid kale sameeyay sanadkii 2000 halka uu 4 caawin sameeyay sanadkii 2004.

2.Shantii tartan ee Euro ee uu ka qeyb galay Ronaldo ayaa ah ciyaaryahanka dhaliyay goolasha iyo caawinta ugu badan marka la isku daro 21 gool, waxaana uu isha ku hayaa inuu sii dheereysto rikoorka.

3.2021, Ronaldo waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee abid ka qayb gala shan koob oo Yurub ah oo uu ciyaaro kulankiisii ​​25aad ee Euro.

4.Ronaldo ayaa rekoodh kale ku leh wadarta guud ee daqiqidihii uu ciyaaray Euro kaas oo ahaa 2,155 daqiiqo.

5.Xiddiga reer Portugal ayaa badiyay 12 kulan oo Euro, waana in ka badan ciyaaryahan kasta.

6.Ronaldo ayaa sidoo kale rikoor u dhigi kara in uu ku jiro shaxdii ugu fiicneyd ee koobka Qaramada Yurub, waxaana ay noqon doontaa markii afaraad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga