Real Madrid Oo Wajahaysa Wal-Wal Ku Saabsan Xaalada Jude Bellingham

Jude Bellingham ayaa dhaliyay labo gool iyadoo Real Madrid ay xasuuqday kooxda kula tartamaysa horyaalka La Liga iyada oo Los Blancos ku badisay 4/0 iyaga oo 5 dhibcood ku qabtay hogaanka horyaalka.

Laakiin xiddiga reer England ayaa ka wal-walaya xaaladiisa kadib markii uu dhaawac kuraanta ah uga baxay ciyaarta.

Bellingham ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waxana uu sii waday qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee uu ku jiray xili ciyaareedkan.

Xiddiga ayaa haatan la qiimayn doonaa xaaladiisa kadib dhaawaca soo gaadhay kaas oo u muuqday dhaawac kuraanta ah.

Real Madrid ayaan doonayn dhaawacyo kale marka la eego in ay si weyn ugu dhibaatoonayso dhaawacyo xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga