Real Madrid Oo Dheeraystay Hogaanka Horyaalka La Liga Kadib Markii Ay Garaaceen Girona

Real Madrid ayaa shan dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hoggaanka horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, waxaanay xasuuq iyo karbaas culus u geysatay kooxdii eryanaysay ee Girona oo ay dhax jiid-jiidday garoonka Santiago Bernabeu.

Ciyaartan oo si weyn indhaha loogu hayay isla markaana laga sii sheekaynayey sida uu Carlo Ancelotti u xallin karayo dhibaatada dhaawacyada ee khadka dambe ee difaaca, ayaa waxa ay saddexda dhibcood ku tirsadeen afar gool iyo rikoodhe ay iska khasaariyeen.

Jude Bellingham oo laba gool dhaliyey ayaa waxa diiwaanka goolasha kula biiray Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes halka dhamaadkii ciyaartana uu rikoodhe khasaariyey Joselu oo beddel kusoo galay.

Daqiiqaddii lixaad ee bilowga ciyaarta ayuu Vinicius Junior ku aftaxay gool qurux badan oo uu masaafo fog ka toogtay oo uu ku hubsaday shabaqa kooxda Girona, kaas oo ku riday argagax ay kasoo kaban kari waayeen.

Xiddiga reer Brazil oo ahaa laacibka burburiyey difaaca Girona, ayaa waxa uu sameeyey laba fursadood oo kale oo dilay Girona.

Kubbad uu Vinicius Jr. ka tuuray garabka midig oo uu difaaca u dhaafiyey Jude Bellingham ayuu xiddiga reer England usoo gooyey goolhayaha, kaddibna lugta bidix uu ku dhamaystiray isaga oo ku leexiyey shabaqa oo ay laba difaac sii galeen si ay kubadda uga difaacaan maadaama goolhayaha meel cidlo ah lagaga yimid.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Real Madrid mar kale u ogolaatay Girona inay kubadda ku haysato qaybteeda, iyaga oo ka ilaaliyey in lagu soo dhowaado, waxaana shaqo adag khadka dhexe ka hayey Camavinga, Valverde iyo Toni Kroos oo diidayey in kubadda loola tago Tchouameni iyo Carvajal oo lagu qasbay inay difaaca dhexe ka ciyaaraan maadaama ay kooxdu difaacyo la’aan ahayd.

Vinicius Junior ayaa soo burburiyey difaaca garabka bidix ee Girona, isaga oo si xeeladaysan u dilay Couto, kaddibna kubadda soo dhigay goolka hortiisa, waxaana gacanta la laacay goolhayaha Girona oo iska leexiyey, laakiin Jude Bellingham oo orod kusoo galay xerada ganaaxa ayaa cidlo ka helay kubadda oo shabaqa oo madhan ku hubsaday, ciyaartana ka dhigay 3-0.

Xiddigga reer England ayaa waxyar kaddib ku baxay dhaawac lugta bidix ah, kaddib markii ay lugtiisu ka liicday kuraanta oo uu ku istaagay dhinaca dambe ee rogga lugta.

Rodrygo Goes ayaa ugu dambayntii isku qoray diiwaanka goolasha, waxaana kubbad uu kasoo qaatay khadka dhexe iyadoo ay garbihiisa ordayaan Vinicius iyo Brahim Diaz uu darbad xooggan oo uu soo jaray weydaariyey goolhaye Paulo Gazzaniga oo ay habeen xun u ahayd.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayaa Real Madrid loo dhigay rikoodhe uu khasaariyey Joselu oo birta ay kubaddu kaga dhacday, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 4-0 ay guushu ku raacday Real Madrid.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Real Madrid ay yeelatay 61 dhibcood, waxaanay shan dhibcood ka sarreeyaan Girona oo hadda haysata 56 dhibcood, halka Barcelona oo saddexaad ku jirtaana ay 50 dhibcood haysato balse ay habeen dambe ciyaarayso. Atletico Madrid oo kaalinta afraad ku jirta ayaa iyaduna haysata 48 dhibcood.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga