Luke Shaw Oo Shaaciyay Ujeedka Kooxda Man United Qaybta Dambe Ee Xilli Ciyaareedka.

Luke Shaw ayaa sheegay in Manchester United ay wali ku haminayso inay ku dhameysato boosaska Champions League oo ay ku guuleysato FA Cup xilli ciyaareedkan, inkastoo uu qirtay in bartilmaameedyada hoos loo dhigay ka dib markii ay niyad jabeen qeybtii hore ee xilli ciyaareedka.

Red Devils ayaa galaysa kulamada todobaadka iyaga oo ku jira kaalinta 7-aad horyaalka premier League waxana ay booqan doonaan Aston Villa.

Rajadooda ku guulaysiga koob yurub ah ayaa soo dhamaaday kadib markii ay ka hadheen dhamaan waxana ay haatan kaliya fursad u haystaan FA Cup xilli ku guulaysiga premier League uuna suurtagal ahayn.

Shaw ayaa sheegay in kooxda Erik ten Hag ay wali ku dhamaysan karto kaalamaha champions League sidoo kale ku guulaysan karto tartanka FA Cup-ka.

“Waxa aan qabaa in aan haysano koox fiican iyo tababare fiican waxa aan diirada saari doonaa hamigeena”ayuu u sheegay Sky.

“Waxa aan haatan diirada saari doonaa ku guulaysiga FA Cup iyo waliba in aan u soo baxno champions League xilli ciyaareedka dambe”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga